Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo kursi aan joogto ahayn ka helaysa golaha ammaanka ee QM

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kursi aan joogto ahayn ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo aan lagula tartami doonin kursiga wadamada Afrika.

Inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo dhacaya 6-da June ayaa la qorsheeyay in codbixinta la qaado.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Soomaaliya ayaa ah dalka matalaya Qaarada Afrika, mana jiro dal kale oo Afrika ka socda oo tartanka la galaya, waxaana ay noqon doontaa markii labaad oo Soomaaliya ay ka mid noqoto xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka, iyadoo ay ugu dambeysay 1971 ilaa 1972.

Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka heshay ururka Midowga Afrika oo ansixiyey in Soomaaliya ay noqoto musharaxa kaliya ee u taagan kursiga Afrika.

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, isaga oo ka qeybgalaya meertada 78-aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha ammaanka.

Laga bilaabo 1-da Janaayo 2025, Soomaaliya iyo xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka waxaa u bilaaban doona muddo xileedkooda oo ku eg 31-ka December 2026.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray mashruuc laga hirgeliyey Cadaado

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirada Soomaaliya ee Libiya, Ciraaq Iyo Turkiga

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirada Soomaaliya ee Libiya, Ciraaq Iyo Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirada Soomaaliya ee Libiya, Ciraaq Iyo Turkiga

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In