Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo si dhammeystiran u maamuleysa Hawadeeda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 18, 2018
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guud ahaan Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa gacanta Dawlada Federaalka Soomaaliya soo gashay 100% waxaa Hawada laga Maamulayaa laga bilaabo maanta oo Taariikhda ay ku began tahay 18/06/2018 Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Duulista Hawada ee Dawlada Federaalka Soomaaliya SCAMA.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa si rasmi ah u daah furay maamulka dhammeystiran ee Hawada dalka wuxuuna sheegay in soo wareejinta Maamulka Hawada ay daba socdaan Mashruucyo kale oo laguna tababarayo Shaqaalaha Soomaaliyeed, laguna qaadanayo shaqaale cusub, wuxuuna kalsooni ka muujiyay in Shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku filan yihiin hawshan.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

“Soo wareejinta hawada waxaa daba socda Mashruucyo kale oo shaqaalaha lagu tababarayo, lagu abuurayo shaqaaleyn cusub lagala wareegayo Ajnabiga ka shaqeynaya oo lagu bedelaayo shaqaale Soomaaliyeed, waxay noo mareysaa meel wanaagsan, hada waxaan kusii shaqeyneynaa sharciyadii iyo hababkii hore iyadoo Shaqaalihii hore ay ka shaqeynayaan laakiin shaqaale cusub oo Soomaali ah ayaa qabsanaya meelaha ugu sareeyay Maamulka SCAMA’’

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in hada wixii ka dambeeya Diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya ay amar ka qaadanayaan Dowlada Soomaaliya halka markii hore dowlada ay bixin jirtay talo maadaama aysan heysan qalab sax ah oo ku filan.

“Waxaa xusid mudan inta aanan usoo guurin Muqdisho diyaaradaha hawada Soomaaliya maraya waxay naga qaadan jireen Talo, amar nagama qaadan jirin waayoo ma heysan qalab sax ah oo ku filan Maanta wixii ka bilowda amarkii aan anaga farno ayay ku shaqeynayaan, waa xurnimo noo soo noqotay oo kusoo laabatay si heer sare ah”.ayuu yiri Wasiirka.

Avireo Lopez waa madaxa howlgelinta Hay’adda ICOA wuxuu muujiyey in 27-sanno kaddib ay u muuqato in isku filnaansho ay ka gaartay Soomaaliya dhinaca maamulka Hawada, waxa uu intaa raaciyey in tani ay wadddo cusub u furi doonto wajiga Soomaaliya.

Previous Post

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarumaha Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In