Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarumaha Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarumaha Golaha Shacabka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaa Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta kormeerkiisa koowaad waxa uu ku tegay Xarunta golaha Shacabka oo ah halka lagu qabto kulamada guud ee golaha Shacabka, halkaasoo hadda uu ka socdo howlo dib u dayactir ah oo bilicda dhismaha lagu soo celinayo.

Kusimaha Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehliyay habdhowraha golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, waxaana uu kormeer ku sameeyay dhamaan qeybaha ay xaruntu ka koobantahay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka waxa uu Injineerada xarunta dhiseysa uu ka dhageystay warbixin ku saaabsan halka howsha dib u dayactirka ah ay mareyso.

Sidoo kale Kusimaha Guddoomiyaha golaha Shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaa Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kormeerkiisa labaad ku sameeyay dhisme cusub oo laga dhisayo xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, taas oo lagu qaban doono kulamada guud ee golaha inta uu socdo dhismaha guud ee xarunta weyn ee golaha shacabka oo dhisamaheeda uu si rasmi ah u bilaaban doono dabayaaqada sanadkan.

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha waxa ay Injineerada dhismaha wada la wadaageen nashqadda dhismaha iyo qeybaha uu ka koobnaan doono oo ay ka mid tahay sidii marka dhismaha uu dhamaado bilaha soo aadan loo heli lahaa meel Warbaahinta ay ka tabin karto wararka golaha shacabka oo dhismaha gudaheeda ah.

Ugu dambeyn Ku-simaha guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa kormeeray xafiisyo cusub oo laga hir gelinayo gudaha xarunta Villa Hargeysa, kuwaas oo loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan guddiyada golaha shacabka.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ah Kusimaha guddoomiyaha golaha Shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha oo kormeerka ka dib isla goobta kula Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka kormeerka uu yahay sidii ay u ogaan lahaayeen sida uu u socda dhismaha, isagoo intaa ku daray inay uu kulamo la qaatay shaqaalaha iyo ciidamada oo uu  ka dhageystay xaaladda ay ku suganyihiin, isla markaana uu kala hadlay helida xuquuqaadkooda.

Kormeerkan Kusimaha Guddoomiyaha golaha Shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha uu maanta ku tagay dhismooyinkan xarumaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu qeyb ka yahay dar dar gelinta howlaha Golaha uu u hayo shacabka.

 

 

Previous Post

Ilhan Omar oo noqotay Musharaxa kaliya ee Xisbiga dimuqraadigu taageeray

Next Post

Soomaaliya oo si dhammeystiran u maamuleysa Hawadeeda “SAWIRRO”

Next Post

Soomaaliya oo si dhammeystiran u maamuleysa Hawadeeda "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In