Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo si firfircoon uga qeyb qaadanaysa howlaha Ururka ARABSAT “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo si firfircoon uga qeyb qaadanaysa howlaha Ururka ARABSAT “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo booqasho ku jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay kulamo la qaateen Masuuliyiinta Ururka Dayax-gacmeedka Carbeed ee loo yaqaan ARABSAT oo saldhigiisu yahay magaalada Riyaad.

Madaxweynaha ahna Agaasimaha Guud ee ARABSAT Mudane Eng. Khalid A. Balkheyour oo ku soo dhoweeyey wafdiga xarunta Ururka ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhoweynayaan ka qeybqaadashada firfircoon ee soomaaliya ee howlaha Ururka ARABSAT maadaama dalkeenu uu ka midyahay saamileydii asaastay Ururka, kulamadan labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd adeegyada ARABSAT iyo sidii dalkeena loogu caawin lahaa kaalmo farsamo oo la xiriirka dhinaca horumarinta Isgaarsiinta.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

February 9, 2026

“Waxaa naga go’an in aan si firfircoon uga qeybqaadano dhammaan howlaha Guddiyada, Hay’addaha iyo Urrurada Gobol, Qaaradeed iyo Caalami ee isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, kuwaas oo aannan badankood ka dhex muuqan muddo, taasna waxa ay muhiim u tahay wadaagista khibradaha iyo mideynta dadaalada,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “iskaashiga iyo isku-xirnaanshaha adduunka gaar ahaan dhinaca tiknolojiyadda waxa uu marayaa maanta heer aysan suurto-gal ahayn in aan gooni u socono, daddaaladan dhamaantoodna waxa ay leeyihiin hal ujeedo oo ku saabsan fulinta qeybaha kala duwan ee Siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiirku.

Sidoo kale wafdiga Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa waxa ay booqasho ku tageen xarunta safaaradda dalkeena ee Magaalada Riyaad halkaas oo ay kula kulmeen diblomaasiyiinta ka howlgesha safaaradda, Wasiirka ayaa waxa uu warbixin ka siiyey diblomaasiyiinta xaaladda dalka, howlaha Tubta horumarinta dhaqaalaha dalka gaar ahaan howlaha ay sida gaarka ah ugu xilsaarantahay Wasaaradda.

Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddada ay joogaan dalka Sacuudigaa waxa ay ka qeybgali doonaan Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalalka carbta, waxa ayna sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doonaan masuuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalka Sacuudi carabiya.

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo casha sharaf u sameeyay Haweenka Xildhibaannada ah ee labada Golle “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga isku dhafka ee beelihii ku dagaalamay Gobolka Mudug oo kala qaadaya ciidankii halkaasi ku dagaalay

Next Post
Colaaddii Bariga Gobolka Mudug oo lagu wado in saacadaha soo socda xal waara laga gaaro

Guddiga isku dhafka ee beelihii ku dagaalamay Gobolka Mudug oo kala qaadaya ciidankii halkaasi ku dagaalay

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee WHO

February 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Geneva kulan miro-dhal...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliinta sare iyo cilmibaarista

February 9, 2026
0

Wasaaradaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Cilmibaarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa...

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

Dowladda Soomaaliy oo soo dhaweysay dib u soo celinta ka-qeybgalka buuxa Suudaan ee IGAD

February 9, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa go’aanka ay Dowladda walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Suudaan dib ugu billowday...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

February 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In