Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Suxufi ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo noqday Wariyaha sanadka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Suxufi ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo noqday Wariyaha sanadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Codeynta ayaa soo ifbaxay dhammaadka maalintii ugu dambeysay ee sannadkii la soo dhaafay ee 2014-ka, waxaana soo qaban qaabiyey  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee  magaalada London ee dalka UK oo kaashanaya qaar ka mid ah Shirkadaha iyo Warbaahinta ka howlgasha  caasimadda dalka Ingirsiiska.

Codeynta  oo u jeedkeedu ahaa in lagu dhiirageliyo dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa si weyn u muujiyey dadaalka ku aaddan howlahooda shaqo, waxa ayna coddeyntu aheyd  saddex qeybood, muuqaal, maqal iyo Ra’yi uruurin, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa suxufiyiin kale oo iyagana ka howlgalla Telefishinnada Soomaalida.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool caasimadda dalka Ingiriiska oo wax laga weydiiyey  cidda ay u dooran lahaayeen  in uu yahay Wariyihii ugu wanaagsanaa dhanka Akhrinta wararka iyo soo gudbinta macluumaadka horumarineed ee ka hadlaya Soomaaliya, kuwaas oo in ka badan 95% codkooda ku taageeray Feysal Muuse Maxamed oo ka howlgallada Warbaahinta Qaranka Somalia ee Sntv iyo Radio Muqdisho,  isla markaana Feysal Muuse u soo jeediyey in uu xoojiyo horumarka uu sameeyey.

Dhiiragelinta  Jaaliyadda  kaddib, ayeey madaxda wasaaradda oo uu hormuud ka yahay sii hayaha wasiirka Warfaafinta, agaasimeyaasha sida Agaasimaha Warbaahinta waxa uu boggaadiyey oo uu ugu hambalyeeyey Feysal Muuse Maxamed howl-karnimadii uu muujiyey sannadkii la soo dhaafay, waxa ayna ku dhiiragelinyeen in uu si laba laabbo dadaalkiisa shaqo ee dhanka u adeeggidda Qaranka Soomaaliyeed dalka iyo dibed, maadaama uu ka mid yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee fursaddaasi heshay.

Wariye Feysal Muuse Maxamed oo loo doortay in uu yahay Suxifiga sanadka  ee Telefishinnada Soomaalida, ayaa isaga oo ka hadlayey arrintan si weyn ugu mahadceliyey dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee degan dalka Ingiriiska gaar ahaan Jaaliyadda London  oo uu ku tilmaamay in ay tahay Jaaliyad Soomaaliyeed oo u taagan in ay dhiirageliso Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu na farriin u jeediyey Suxafiyiinta Soomaaliyeed iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.fariin taas oo ahayd der-der gelinta Howlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadkooda dhibaatda hayso

Codeynta Wariyaha ugu wanaagsan Akhrinta Wararka Telafishinnada Soomaalida ee uu ku guuleystay Feysal Muuse Maxamed, ayaa ka mid ah guulaha taarikhaga ah ee u soo hoyatay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo wasaaradda Warfaafintuna ay ballanqaaday in ay xoojin doonto dhiiragelinta Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka iyo kuwa gaarka loo leeyahay haddii ay muujiyaan Howlkarinimo.

Soo gudbinta warar mug iyo miisaan leh ayuu ku caan baxay wariye faysal Muuse Maxamed isagoo   ah  akhriye warar Qoraa Wabka Radio Muqdisho.net ahna War,Akhriyaha Tvga Qaranka  ayaa ah wariye u qalma qiimaynta bulshada Soomaaliyeed ee reer London u sameeyeen

Dhamaan shaqaalaha warbaahinta Qaranka ayaana u kala harin in ay farxadda la qayb sadaan walaakood faysal Muuse Maxamad oo noqday wariyaha sanadka

 

 

Previous Post

Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola

Next Post

Guddoomiye Jawaari oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sacuudiga “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Jawaari oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sacuudiga “SAWIRRO”

Guddoomiye Jawaari oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sacuudiga “SAWIRRO”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In