Tuesday, December 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Suxufi ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo noqday Wariyaha sanadka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Suxufi ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo noqday Wariyaha sanadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Codeynta ayaa soo ifbaxay dhammaadka maalintii ugu dambeysay ee sannadkii la soo dhaafay ee 2014-ka, waxaana soo qaban qaabiyey  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee  magaalada London ee dalka UK oo kaashanaya qaar ka mid ah Shirkadaha iyo Warbaahinta ka howlgasha  caasimadda dalka Ingirsiiska.

Codeynta  oo u jeedkeedu ahaa in lagu dhiirageliyo dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa si weyn u muujiyey dadaalka ku aaddan howlahooda shaqo, waxa ayna coddeyntu aheyd  saddex qeybood, muuqaal, maqal iyo Ra’yi uruurin, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa suxufiyiin kale oo iyagana ka howlgalla Telefishinnada Soomaalida.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

December 30, 2025
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

December 30, 2025

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool caasimadda dalka Ingiriiska oo wax laga weydiiyey  cidda ay u dooran lahaayeen  in uu yahay Wariyihii ugu wanaagsanaa dhanka Akhrinta wararka iyo soo gudbinta macluumaadka horumarineed ee ka hadlaya Soomaaliya, kuwaas oo in ka badan 95% codkooda ku taageeray Feysal Muuse Maxamed oo ka howlgallada Warbaahinta Qaranka Somalia ee Sntv iyo Radio Muqdisho,  isla markaana Feysal Muuse u soo jeediyey in uu xoojiyo horumarka uu sameeyey.

Dhiiragelinta  Jaaliyadda  kaddib, ayeey madaxda wasaaradda oo uu hormuud ka yahay sii hayaha wasiirka Warfaafinta, agaasimeyaasha sida Agaasimaha Warbaahinta waxa uu boggaadiyey oo uu ugu hambalyeeyey Feysal Muuse Maxamed howl-karnimadii uu muujiyey sannadkii la soo dhaafay, waxa ayna ku dhiiragelinyeen in uu si laba laabbo dadaalkiisa shaqo ee dhanka u adeeggidda Qaranka Soomaaliyeed dalka iyo dibed, maadaama uu ka mid yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee fursaddaasi heshay.

Wariye Feysal Muuse Maxamed oo loo doortay in uu yahay Suxifiga sanadka  ee Telefishinnada Soomaalida, ayaa isaga oo ka hadlayey arrintan si weyn ugu mahadceliyey dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee degan dalka Ingiriiska gaar ahaan Jaaliyadda London  oo uu ku tilmaamay in ay tahay Jaaliyad Soomaaliyeed oo u taagan in ay dhiirageliso Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu na farriin u jeediyey Suxafiyiinta Soomaaliyeed iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.fariin taas oo ahayd der-der gelinta Howlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadkooda dhibaatda hayso

Codeynta Wariyaha ugu wanaagsan Akhrinta Wararka Telafishinnada Soomaalida ee uu ku guuleystay Feysal Muuse Maxamed, ayaa ka mid ah guulaha taarikhaga ah ee u soo hoyatay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo wasaaradda Warfaafintuna ay ballanqaaday in ay xoojin doonto dhiiragelinta Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka iyo kuwa gaarka loo leeyahay haddii ay muujiyaan Howlkarinimo.

Soo gudbinta warar mug iyo miisaan leh ayuu ku caan baxay wariye faysal Muuse Maxamed isagoo   ah  akhriye warar Qoraa Wabka Radio Muqdisho.net ahna War,Akhriyaha Tvga Qaranka  ayaa ah wariye u qalma qiimaynta bulshada Soomaaliyeed ee reer London u sameeyeen

Dhamaan shaqaalaha warbaahinta Qaranka ayaana u kala harin in ay farxadda la qayb sadaan walaakood faysal Muuse Maxamad oo noqday wariyaha sanadka

 

 

Previous Post

Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola

Next Post

Guddoomiye Jawaari oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sacuudiga “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Jawaari oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sacuudiga “SAWIRRO”

Guddoomiye Jawaari oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sacuudiga “SAWIRRO”

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka oo jab xoggan gaarsiiyay Khawaarijta Gobolka Sh/Hoose

December 30, 2025
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda Qaranka, oo dhawaan la wareegay deegaannada Gendershe iyo...

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

December 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa...

Somali President briefing on mutual relationship between Somalia and Turkey

Somali President briefing on mutual relationship between Somalia and Turkey

December 30, 2025
0

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kuwa doonaya inay ku xadgudbaan madax-banaanideena nagama hor istaagi karaan inaan ka faa’iideysano kheyraadkeena, dadka Soomaaliyeed waxaan...

Mass Rallies Engulf Stadium Mogadishu as Religious Scholars Lead National Outcry Against Israel Aggression

Mass Rallies Engulf Stadium Mogadishu as Religious Scholars Lead National Outcry Against Israel Aggression

December 30, 2025
0

he capital city of Mogadishu witnessed one of the largest public mobilizations in recent history today as tens of thousands...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In