Thursday, June 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka oo baaritaan ku sameysay muwaadin Soomaali ah oo Warbaahinta qaar ay ku sheegeen in uu qabo cudurka Ebola kana yimid dalka Guinea ayaa la tilmaamay in muwaadinkaasi uusan qabin cudurka lagu sheegay.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda caafimaadka ayaa lagu xasuy in Cabdiqaadir Jiinow Barrow oo ah muwaadinka ka yimid dalka Guinea, uusan qabin cudurka Ebola, isla markaana ay saxaafadda qaar ka been abuurteen, waxaana qoraalka lagu sheegay in Cabdiqaadir uu socdaal ku soo maray dalalka Morocco iyo Turkey, halkaas oo uu baaritaan caafimaad lagu soo marsiiyay.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Dr Yaasiin Nuur Axmed oo ka mid ah dhaqaatiirta ay Wasaaraddu u wakiilatay in ay baaritaan ku sameyso muwaadinka ayaa sheegay in Cabdiqaadir uusan qabin cudurka lagu sheegay, waxaana uu tilmaamay in muwaadinkaas laga been abuurtay.

Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdiqani Sheekh Cumar ayaa sheegay in idaacad ka mid ah idaacadaha maxaliga ah ay sheegeen in uu jiro muwaadin qaba cudurka, waxaana uu intaa ku daray in muwaadinkaasi uu caafimaad taam ah qabo,

“Wasaaraddu waxa ay kulan deg deg ah la qaadatay saraakiil ka tirsan Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO, intaas kaddib waxaa guddi caafimaad u dirnay halka uu muwaadinka ku noolyahay ee ah Buulo Shareey ee deegaanka Warmaxan, waana lagu guuleystay warkii been abuurka ahaa ee laga sheegay muwaadinka”.

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Cali Maxamuud “Cali Xareed” ayaa shaaciyay in Soomaaliya aysan ka jirin kiiska cudurka Ebola, waxaana uu Wasaaradda Cadaaladda iyo hay’adaha amniga ka codsaday inay baaritaanno ku sameeyeen Idaacadii warka been abuurka ah faafisay, si sharciga loola tiigsado.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Suxufi ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo noqday Wariyaha sanadka

Next Post
Suxufi ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo noqday Wariyaha sanadka

Suxufi ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo noqday Wariyaha sanadka

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In