Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 3, 2015
in Wararka
0
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka oo baaritaan ku sameysay muwaadin Soomaali ah oo Warbaahinta qaar ay ku sheegeen in uu qabo cudurka Ebola kana yimid dalka Guinea ayaa la tilmaamay in muwaadinkaasi uusan qabin cudurka lagu sheegay.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda caafimaadka ayaa lagu xasuy in Cabdiqaadir Jiinow Barrow oo ah muwaadinka ka yimid dalka Guinea, uusan qabin cudurka Ebola, isla markaana ay saxaafadda qaar ka been abuurteen, waxaana qoraalka lagu sheegay in Cabdiqaadir uu socdaal ku soo maray dalalka Morocco iyo Turkey, halkaas oo uu baaritaan caafimaad lagu soo marsiiyay.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Dr Yaasiin Nuur Axmed oo ka mid ah dhaqaatiirta ay Wasaaraddu u wakiilatay in ay baaritaan ku sameyso muwaadinka ayaa sheegay in Cabdiqaadir uusan qabin cudurka lagu sheegay, waxaana uu tilmaamay in muwaadinkaas laga been abuurtay.

Ku-simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdiqani Sheekh Cumar ayaa sheegay in idaacad ka mid ah idaacadaha maxaliga ah ay sheegeen in uu jiro muwaadin qaba cudurka, waxaana uu intaa ku daray in muwaadinkaasi uu caafimaad taam ah qabo,

“Wasaaraddu waxa ay kulan deg deg ah la qaadatay saraakiil ka tirsan Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO, intaas kaddib waxaa guddi caafimaad u dirnay halka uu muwaadinka ku noolyahay ee ah Buulo Shareey ee deegaanka Warmaxan, waana lagu guuleystay warkii been abuurka ahaa ee laga sheegay muwaadinka”.

Siihayaha Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Cali Maxamuud “Cali Xareed” ayaa shaaciyay in Soomaaliya aysan ka jirin kiiska cudurka Ebola, waxaana uu Wasaaradda Cadaaladda iyo hay’adaha amniga ka codsaday inay baaritaanno ku sameeyeen Idaacadii warka been abuurka ah faafisay, si sharciga loola tiigsado.

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Suxufi ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo noqday Wariyaha sanadka

Next Post
Suxufi ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo noqday Wariyaha sanadka

Suxufi ka tirsan Warbaahinta Qaranka oo noqday Wariyaha sanadka

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In