Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Suxufiyiin codsaday in cadaaladda la horgeeyo horjooge Xasan Xanafi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Suxufiyiinta ka howlgasha gudaha dalka ayaa soo dhaweeyay talaabadii dowladda Kenya ay gacanta dowladda Soomaliya ku soo gelisay dhagar qabe Xasan Xanafi oo maleeshiyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Kulankaan oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah madaxda Warbaahinta dalka ka howlgasha, ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, Wariyeyaal uu dadkooda shirqool ku dilay Horjooge Xasan Xanafi iyo kuwa kale, waxaana uu ahaa mid lagu soo dhaweynayay qabashada horjoogahaasi maleegay dilalka suxufiyiin Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026

Ugu horeyn Kulanka waxaa ka hadlay Cabdiqaadir Maxamed Faarax ”Dulyar” oo ka mid ah Wariyaasha Soomaaliyeed ayaa codsaday in Maxkamad la soo taago horjooge Xasan Xanafi si caddaaladda loo marsiiyo,  isagoo u tacsiyadeeyay ehelada suxufiyiinta Xasan Xanafi uu shirqoolka ku dilay.

Sidoo kale Agaasimaha Radio Kulmiye Cismaan Cabdullaahi Guure oo ka hadlay kulankaas ayaa ka sheekeeyay Dilalka iyo dhagarta Xasan Xanafi uu u geeystay Wariyaal badan, waxaana uu codsaday in Sharciga la marsiiyo dhagar qabahaasi.

Kulankaan lagu soo dhaweynayay qabashada Xanafi waxaa sidoo kale ka hadlay Wariyeyaal iyo ehelada Suxufiyiinta uu shirqoolay Xasan Xanafi oo lagu dilay Soomaaliya gaar ahaan maagaalada Muqdisho.

Maxamed Ibaarhim Bakistaan ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in uu gacanta Dowladda Soomaaliya ku jiro Xasan Xanafi oo loohaysto shirqoolo iyo dilal loo geeystay Suxufiyiin badan.

Ku simaha Agaasimaha Warbaahinta Qaranka ahna Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdiraxiin Ciise Caddoow oo ah ayaa tilmaamay inay soo dhaweynayaan talaabada lagu soo qabtay horjooge Xasan Xanafi Xaaji, waxaana uu umahad celiyay laamaha ammaanka ee suuro geliyay in la soo qabto.

Cabdiraxiin Ciise Cadoow ayaa sidoo kale fariin u diray Maxkamadaha Dalka, taas oo ku aadan in Maxkamadeeynta Xanafi Warbaahinta ay ka qeyb gasho si loogu caddeeyo Dilalka iyo Danbiyada uu ka galay bahda Saxaafada Soomaaliyeed.

Dhanka kale suxufiyiinta ka howlgala gobolka galgaduud ayaa soo dhaweeyay soo qabashada Xasan Xanafi

Previous Post

Maamulka Degmada Heliwaa oo sheegay in suuqyada degmadaasi laga bilaabo doono qaadista cashuuraha

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Nairobi, caasimadda dalka...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026
0

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In