Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Suxufiyiin codsaday in cadaaladda la horgeeyo horjooge Xasan Xanafi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Suxufiyiinta ka howlgasha gudaha dalka ayaa soo dhaweeyay talaabadii dowladda Kenya ay gacanta dowladda Soomaliya ku soo gelisay dhagar qabe Xasan Xanafi oo maleeshiyaadka Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Kulankaan oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah madaxda Warbaahinta dalka ka howlgasha, ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, Wariyeyaal uu dadkooda shirqool ku dilay Horjooge Xasan Xanafi iyo kuwa kale, waxaana uu ahaa mid lagu soo dhaweynayay qabashada horjoogahaasi maleegay dilalka suxufiyiin Soomaaliyeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ugu horeyn Kulanka waxaa ka hadlay Cabdiqaadir Maxamed Faarax ”Dulyar” oo ka mid ah Wariyaasha Soomaaliyeed ayaa codsaday in Maxkamad la soo taago horjooge Xasan Xanafi si caddaaladda loo marsiiyo,  isagoo u tacsiyadeeyay ehelada suxufiyiinta Xasan Xanafi uu shirqoolka ku dilay.

Sidoo kale Agaasimaha Radio Kulmiye Cismaan Cabdullaahi Guure oo ka hadlay kulankaas ayaa ka sheekeeyay Dilalka iyo dhagarta Xasan Xanafi uu u geeystay Wariyaal badan, waxaana uu codsaday in Sharciga la marsiiyo dhagar qabahaasi.

Kulankaan lagu soo dhaweynayay qabashada Xanafi waxaa sidoo kale ka hadlay Wariyeyaal iyo ehelada Suxufiyiinta uu shirqoolay Xasan Xanafi oo lagu dilay Soomaaliya gaar ahaan maagaalada Muqdisho.

Maxamed Ibaarhim Bakistaan ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in uu gacanta Dowladda Soomaaliya ku jiro Xasan Xanafi oo loohaysto shirqoolo iyo dilal loo geeystay Suxufiyiin badan.

Ku simaha Agaasimaha Warbaahinta Qaranka ahna Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdiraxiin Ciise Caddoow oo ah ayaa tilmaamay inay soo dhaweynayaan talaabada lagu soo qabtay horjooge Xasan Xanafi Xaaji, waxaana uu umahad celiyay laamaha ammaanka ee suuro geliyay in la soo qabto.

Cabdiraxiin Ciise Cadoow ayaa sidoo kale fariin u diray Maxkamadaha Dalka, taas oo ku aadan in Maxkamadeeynta Xanafi Warbaahinta ay ka qeyb gasho si loogu caddeeyo Dilalka iyo Danbiyada uu ka galay bahda Saxaafada Soomaaliyeed.

Dhanka kale suxufiyiinta ka howlgala gobolka galgaduud ayaa soo dhaweeyay soo qabashada Xasan Xanafi

Previous Post

Maamulka Degmada Heliwaa oo sheegay in suuqyada degmadaasi laga bilaabo doono qaadista cashuuraha

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In