Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taariikhda iyo horumarka Dalxiiska Soomaaliya (warbixin)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
Taariikhda iyo horumarka Dalxiiska Soomaaliya (warbixin)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dalxiiskuย waa adeeg lagama maarmaan ah oo dhaliya in dakhli farabadan laga soo xareeyo goobaha taariikhiga ah ee ka haray ilbaxnimadii hore iyo daawashada kheyraadka dabiiciga ah ee Alle ku maneystay caalamkaan quruxda badan ee loo hibeeyay in ay ku noolaadaan qeybaha bulshada ee ku kala firirsan koonkaan.

Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka hodanka ku ahย ย adeegyada dabiiciga ee suurtagaliya Dalxiiska sida goobaha taariikhiga ah,ย Xeebaha, Biyo dhacyada ,Buurahaย kala sareeya,Wabiyada iyo deegaanada kale ee Biyo qabatinka leh,dhammaantoodna waxa ay soo jiitaan Dadka Dalxiisayaasha ah ee doonaya in ay ku safraan gudaha Dalka Soomaaliya.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Quruxda dabiiciga ah iyo cimilada wabaagsan ee Alle ku maneystay Dalka,waxa ay sababtay in la dardargaliyo Sameynta maamul nidaamiya Dalxiiska Dalka,sidaa daraadeed, sanadkii 1960-kii Dalxiisku waxa uu ka mid noqday adeegyadii lagala wareegay Dowladdii Daakhiliga ee ku tiirsaneyd maamulkii Talyaaniga ee xoriyad gaarsiinta Soomaaliya sanadkii 1956-60-kii.

Si kor loogu qaado adeegyada suurtagaliya Dalxiiska sanadkiiย  1969-kii waxaa dowladdii Mileteriga ay meel marisay sharci qeexaya Ilaalinta Duurjoogta,dhowrista deegaanka iyo diyaarinta aagag la xakameeyay oo loogu talagalay inย  ugaarta ay ka helaan cows iyo keydad biyo.

Dalxiisku waa qeyb ka mid ah ilaha laga helo dhaqaalaha ee lama huraanka u ah jiritaanka Dowladnimo iyo horumarka dalka,waxaana arintaasi daliil u ah tiro badan oo dalxiisayaal Ajanabi ah iyo Dad Soomaali ah ayaa sanad kasta booqda goobaha taariikhiga ah iyo meelaha kale ee ku haboon Dalxiiska sida:- xeebaha Berbera, Saylac, Bullo-xaar, Maydh & Xiis, Laas-qoray, Jasiira ย .Liido, iyo Daallo oo ahย  Buurta Soomaaliya ugu dheer.

Dhinaca kale,waxaa xaqiiqo ah in ay jiraan goobo dabiici ah oo ku wanaagsan Dalxiiska,isla markaana soo jiidan kara ย qeybaha bulshada Soomaliyeed iyo kuwa caalamka,hasa yeeshee xilligaan aan u diyaarsaneyn Nidaamkii ama adeegyadii socodsiin lahaa Dalxiiska,waxaana ka mid ah:- Sanbuusi. Abaay-dhaxan, Goobweyn oo ah halka ay isaga daraan wabiga Jubba iyo badweynta Hindiya iyo goobo kale.

Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliyaย  waa meesha kaliya ee laga heli karo raadadka goobo taariikhi ah ee ku haboon Dalxiiska sida, Daljirka dahsoon, Dhagaxtuur , Xaawo Taako, Axmed Gurey ,Sayid Maxamed Cabdule Xasan ,SYL,Madxafka iyo kuwo kale.

Marka laga yimaado Hoteelada ,goobaha kale ee loo Dalxiis tago iyo Taallooyinka qiimaha leh ee ku wanaagsan Daawashada,waxaa jira dhismayaal qadiim ah oo soo jiidan kara Dalxiiska,Waxaana ka mid ah Dhismihii Sayid Barqash ,Masaajidka C/Casiis,Masaajidka Arbaca-rukun, Qalcadaha Sayid Maxamed Cabdule Xasan ee Eyl iyo Taleex ,Masaajidka Qiblateenka ee ku yaala Saylac iyo kuwo kale

Inkastoo wixii ka dambeeyay 1990-kii, ay gudaha dalka ka dhaceenย dagaal sokeeyeย oo hakiyay dhamaan ilihii dalxiiska,haddana, Ganacsato iyo Qurba-joog Soomaaliyeed oo ku soo noqday dalka ayaa sanadihii dambe ku dhaqaaqay dhismaha Hoteello badan, guryo iyo Barxado loogu talagalay nasashada,waxayna qeyb libaax ka qaateen horumarka Dalxiiska iyo koboca dhaqaale ee dalka.

Soo celinta bilicda ama quruxda ku soo korortay Dalka waxa ay qeyb weyn ka qaadatay horumarka Dalxiiska ,sidaa aawadeed,adeegaan Dowliga ah,waxa uu u muuqda mid abuuraya fursado shaqo oo wax u tara dadka,bacdamaa Dowladnimada Soomaaliya ay ku soo laabaneyso sidii caadiga aheyd,dadkuna ay gaareen biseyl siyaasadeed iyo wadajir bulsho.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku howlan dadaallo ku aadan horumarinta Dalxiiska iyo dib u dhiska Hoteeladii Dalka sida Jubba,Shabeenlle,Curuba,Baar Bulsho iyo kuwo kale,waxaana xiga qorsho labaad oo la doonayo in sidoo kale dib loogu dhiso Hoteeladii iyo goobihii Dalxiiska ee ku yiillay Gobolada Dalka Soomaaliya.

Iyadoo fursad la siinayo ama loo faaโ€™ideynaayoย  dadka Dalxiisayasha ah ee doonaya in ay booqdaan goobaha muhiimka ah,waxaa Dowladda Soomaaliya iyo Maamulada kale ay xilligaan si hordhac ah ugu asteeyeen meelo mucayin ah oo ay ka mid yihiin xeebaha Jasiira ee duleedka Muqdisho, tan Liido ,Seylac,Berbera iyo deegaanno kale oo ku haboon Dalxiiska.

Waxaa haboon, Maadaama Dalka Soomaaliya uu hodan ku yahay buuro, wabiyo, xeeb aad u dheer, biyo-dhacyo iyo goobo taariikhi ah in marka hore cid kasta ay ka qeybqaadato soo celinta amniga Dalka ,tan labaad in Ganacsatadaย  Soomaaliyeed ay xoogga saran maalgashiga goobahaasi oo muhiim u ah socodsiinta Dalxiiska iyo guud ahaan horumarinta Dalka .

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Dowladda Turkiga oo cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

Next Post

Q.M oo si kulul ugu hadashay weerarkii ka dhacay hotel-ka Elite ee magaalada Muqdisho.

Next Post
Q.M oo si kulul ugu hadashay weerarkii ka dhacay hotel-ka Elite ee magaalada Muqdisho.

Q.M oo si kulul ugu hadashay weerarkii ka dhacay hotel-ka Elite ee magaalada Muqdisho.

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

September 26, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hayโ€™adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In