Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar ku saabsan kaalinta Haweenka ee maamulka Warbaahinta oo ka furmay Kismaayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Tababar ku saabsan kaalinta Haweenka ee maamulka Warbaahinta oo ka furmay Kismaayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland ka furay aqoon kororsi ku saabsan, kor u qaadidda kaalinta haweenka ee maamulka hay’adaha warbaahinta.

Tababarkan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal iyo dowlad goboleedka Jubbaland, isla markaana ay ka faa’iideysanayaan 30 ka mid ah Wariyeyaasha dumarka ee ka howlgala warbaahinta deegaannada Jubbaland, ayaa muddo seddex maalmood ah oo uu socon-doono, waxaa diiradda lagu saarayaa, kor u qaadidda doorka dumarka ku jira saxaafadda ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

Agaasimaha Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, ayaa u mahadceliyay  Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta Jubbaland sidii milgaha lahayd ee uu noogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

Mahadcelin kadib Agaasime Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya uu yahay xaqiijinta iyo iftiiminta doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka qayb-qaadashada maamulka hay’adaha Warbaahinta dalka.

Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Jubbaland ee (JAJ) mudane Khadar Imaan Dhaqane, ayaa bogaadiyay tababarkan, isagoo u rajeeyay Wariyeyaasha fursadda u helay ka qayb galkiisa in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan.

Xildhibaan Foos Cali Cabdiraxmaan oo ka mid ah Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale bogaadisay tababarkan iyo cidii soo abaabushayba, iyadoo xustay inay muhim u yihiin gabdhuhu Warbaahinta Hay’adaha Dowladda sidaas daraadeed laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin laa Aqoonta Gabdhaha Warbaahinta ka shaqeeya.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowlad Goboleedka Jubbaland, mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud oo furay tababarka, ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal oo uu xusay in ay iska kaashadeen qabashada tababarkan si loo xoojiyo kaalinta gabadha Saxafiyiinta ah ee maamulka hay’adaha Warbaahinta

Munaasabadda furitaanka tababarkaan ayaa waxaa ka qayb galay, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dowlad-goboleedka Jubbaland, madax ka socotay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta ururka Saxafiyiinta Jubbaland (JAJ).







Previous Post

Gaalkacyo: Maxkamadda CQS oo xukunno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Askar ka tirsan XDS

Next Post

Shirka uruurinta warbixinta Qaran ee barnaamijka horumarinta Beeraha Afrika oo ka furmay Muqdisho

Next Post
Shirka uruurinta warbixinta Qaran ee barnaamijka horumarinta Beeraha Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka uruurinta warbixinta Qaran ee barnaamijka horumarinta Beeraha Afrika oo ka furmay Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In