Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar ku saabsan kaalinta Haweenka ee maamulka Warbaahinta oo ka furmay Kismaayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Tababar ku saabsan kaalinta Haweenka ee maamulka Warbaahinta oo ka furmay Kismaayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jubbaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland ka furay aqoon kororsi ku saabsan, kor u qaadidda kaalinta haweenka ee maamulka hay’adaha warbaahinta.

Tababarkan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal iyo dowlad goboleedka Jubbaland, isla markaana ay ka faa’iideysanayaan 30 ka mid ah Wariyeyaasha dumarka ee ka howlgala warbaahinta deegaannada Jubbaland, ayaa muddo seddex maalmood ah oo uu socon-doono, waxaa diiradda lagu saarayaa, kor u qaadidda doorka dumarka ku jira saxaafadda ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.

Related posts

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026

Agaasimaha Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, ayaa u mahadceliyay  Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta Jubbaland sidii milgaha lahayd ee uu noogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

Mahadcelin kadib Agaasime Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya uu yahay xaqiijinta iyo iftiiminta doorka haweenka Soomaaliyeed ee ka qayb-qaadashada maamulka hay’adaha Warbaahinta dalka.

Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Jubbaland ee (JAJ) mudane Khadar Imaan Dhaqane, ayaa bogaadiyay tababarkan, isagoo u rajeeyay Wariyeyaasha fursadda u helay ka qayb galkiisa in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan.

Xildhibaan Foos Cali Cabdiraxmaan oo ka mid ah Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale bogaadisay tababarkan iyo cidii soo abaabushayba, iyadoo xustay inay muhim u yihiin gabdhuhu Warbaahinta Hay’adaha Dowladda sidaas daraadeed laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin laa Aqoonta Gabdhaha Warbaahinta ka shaqeeya.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowlad Goboleedka Jubbaland, mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud oo furay tababarka, ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal oo uu xusay in ay iska kaashadeen qabashada tababarkan si loo xoojiyo kaalinta gabadha Saxafiyiinta ah ee maamulka hay’adaha Warbaahinta

Munaasabadda furitaanka tababarkaan ayaa waxaa ka qayb galay, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dowlad-goboleedka Jubbaland, madax ka socotay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta ururka Saxafiyiinta Jubbaland (JAJ).

Previous Post

Gaalkacyo: Maxkamadda CQS oo xukunno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Askar ka tirsan XDS

Next Post

Shirka uruurinta warbixinta Qaran ee barnaamijka horumarinta Beeraha Afrika oo ka furmay Muqdisho

Next Post
Shirka uruurinta warbixinta Qaran ee barnaamijka horumarinta Beeraha Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka uruurinta warbixinta Qaran ee barnaamijka horumarinta Beeraha Afrika oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

FGS STATEMENT ON THE DEVELOPMENTS OF SOUTH WEST STATE

March 30, 2026
0

The Federal Government of Somalia has long sought to address the concerns of the South West State through measures intended...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In