Tababar heer Caalami ah oo kubada Lalisla oo ay ka qeyb qaadanayeen 18 macalin oo xirfada macalinimo la barayay ayaa lagu soo gebagebeeya magaalada Muqdisho, waxaana xaflda xeritaanka kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeeed, madaxda xiriirka kubadda Lalaliska, madaxda xririirada kale gedisan iyo marti sharaf kale.
Tababarkan oo mudo12 maalin socday waxaa soo qaban qaabiyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed, waxaana bixiyaynay laba Macalin oo u kala dhashay dalalka Mauritius iyo Ethiopia.
Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda LaLiska Cabduqaadir Cumar Abuukar, waxuuna sheegay in ujeedka tababarka loo qabtay ay ka dambayso sidii xiriirka ku yeelan lahaa Macalimiin wax soo saar wanaagsan yeesha,wuxuuna macaliinta seminarka ka qaybgalay uu kula dardaarmay in aqoonta la baray ay si wanaagsan u gubiyeen bahda kubadda La liska waxuuna mahad celin usoo jeediyay Guddiga Olombikad Soomaaliyeed oo suura geliyay tababarkan.
Sidoo Kale waxaa goobta ka hadlay Labada Macalin ee tababrka bixinayay Apaddo oo u dhashay Muritoius oo marki labaad tababar ka bixiyay Soomaliya iyo Alamayu oo Ethiopia u dhashay waxayna sheegeen in macalimiinta cusub ay aad uga faa’iidaysteen casharadii la siiyay iyo tababarki ay garoonka Wiish ku qaaten mudada 12 maalin ah, waxayna mahad celi n usoo jeediyeen Guddiga Olombikda oo sura geliyay iyo dhamaan mas’uuliyiintii socodsiinta tabbarka ka caawisay.
Ugu dambayn guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, Cabdullaahi Axmed Tarabi oo xaflada soo xeray ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay qorshaha GOS ee horumarinta xiriirada isboortiga iyo gobolada dalka si ay macaliinta wax uga soo saaraan iskuulada degmooyin iyo gobolada
“In la helaa ciyartooy wanaagsan waxay ku xiran tahay in marka hore la tababaro macalimiin wanaagsan” ayuu Guddoomiye Tarabi yiri.
Guddoomiye Tarabi ayaa macalimiinta u sheegay in ay saaran tahay masuuliyad qaran laga doonayo in ay kasoo dhalaalaan.
Macalinmiinta ka qayb gashay oo ka koobnaa 18 macalin oo isugu jiray wiilal iyo gabdho kana yimid maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyinki ay tababarka uga qayb galeen.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafoow
Waaxda Warfaafinta GOS