Saturday, August 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababbar lagu baranayey u adkaysiga Aafooyinka oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Tababbar lagu baranayey u adkaysiga Aafooyinka oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababbar uu soo qaban qaabiyey La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka u adkaysiga Aafooyinka Eng. Cabdi Maxamed Axmed “Baafo” ayaa lagu soo gabab gabeeyey magaalada Muqdisho, tababarka ayaa waxaa isugu yimid wakiilo ka kala socday dowlad goboleedyada dalka, qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda, Macalimiin Jaamacadeed iyo khubaro ka socotay Hay’ada Cunada iyo Beeraha “FOA”

Lataliyaha R/wasaaraha Soomaaliya ee arimaha u adkeysiga Aafooyinka Cabdi Maxmed Baafo ayaa sheegay in tababarkaan ku salaysan yahay sidii loo baran lahaa u adkeysiga masiibooyinka dabiiciga ah, islamarkaana wuxuu tilmaay in dhulka miyiiga ah la tagi doono si qiimayn loogu soo sameeyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo aafooyinka ka dhashay abaaraha iyo daadadka wabiyada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

“Afooyinka dabiiciga ah badanaa waxay taabtaan dadka reer miyiga ah iyo beeralayda, waxaana halkaan fadhiya wasaaradihii qaablisanaa arimahaas. Waxaa tababarkaan socday in mudo ah,, waxaana halkaan lagu qaatay aqoon dhaxal gal ah, oo waxa weyn ka tari doonta sdii loogu adkaysan lahaa hadii ay dhacaan masiibooyin dabiici ah. Aqoontaan waxaa dib loogu celinayaa deeganada miyiga iyo beeraha, islamarkaana loo qaybsan lahaa dadka baahiyahooda kala duwan, sidaad ogtihiin markasta waxaa dhaca fatahaadyo iyo abaaro soo noq noqda, hadii aan dadka la barin sidii looga gashaaman lahaa waxaa suurta gal ah in ay dhacaan afooyinkii dhacay 2011 oo galaaftay nolosha 260,000 oo qof” ayuu yiri Baafo

Fulinta Tababarkaan waxaa iska kaashanayey Xafiiska R/Wasaraha Soomaaliya iyo Hey,adda Cunada iyo Beeraha ee FAO, Waxaa sidoo kale bixiyey kharashka ku baxay tababarkaan midowga yurub oo soo marsiiyey Hay’ada Cunada iyo Beeraha ee FOA. iyadoo masuuliyiintii ka socotay FAO ay ku sheegeen mashruucaan inuu Soomaaliya faa,iido u leeyahay, lana qaban doono tababaro noocaan ah waqtiyada soo socda.

FAO 5 FAO 6 FAO 7 FAO02 FOA 9

FAO Amiin

Previous Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo kormeeray xarunta hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Wafdi ka socday baarlamaanka oo kulamo kula qaata Khartuum Wasiiradowlayaasha Tacliinta iyo Iskaashiga caalamiga’SAWIRRO”

Next Post
Wafdi ka socday baarlamaanka oo kulamo kula qaata Khartuum Wasiiradowlayaasha Tacliinta iyo Iskaashiga caalamiga’SAWIRRO”

Wafdi ka socday baarlamaanka oo kulamo kula qaata Khartuum Wasiiradowlayaasha Tacliinta iyo Iskaashiga caalamiga'SAWIRRO''

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In