Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socday baarlamaanka oo kulamo kula qaata Khartuum Wasiiradowlayaasha Tacliinta iyo Iskaashiga caalamiga’SAWIRRO”

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socday baarlamaanka oo kulamo kula qaata Khartuum Wasiiradowlayaasha Tacliinta iyo Iskaashiga caalamiga’SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Wafdigii ka socday Barlamaanka Soomaaliya oo maalmahan booqashada ku joogay dalka Suudaan oo uu horkacayay gudoomiyaha gudiga arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble   ayaa maanta kulan la qaatay Wasiiru dowlaha Wasaaradda tacliinta sare ee  suudaan Dr.Atijaani Mustaha Maxamed Saalax.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Kulankaas ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhanka wafdiga Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo xildhibaan, Prof. Cabdiraxmaan Aadan Ibbi, iyadoo dhanka Safaaraddana u joogay uqaybsaha warfaafinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan Fiidow Maxamuud Fiidow.

Wafdiga ayaa kala hadlay arrimo badan oo dhanka tacliinta sare ah iyo deeqaha waxbarasho  ee dowladda Suudaan siiso dowladda Soomaaliya, iyadoo wasaaradda tacliinta tahay mida loo soo marsiiyo deeqahaas dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiqadir Cosoble oo ah madaxa wafdiga ayaa warbixin ka siiyay sida uu hada xaalka yahay iyo heerka waxbarasho ee Soomaaliya gaartay xiliyadii dambe oo horumar weyn la gaaray, isagoo sidoo kale sheegay in horumar badan dowladda soomaaliya ku talaabsata maalmahii ugu dambeeyay.

Wasiir Tajaani oo isna hadalka qaatay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko wafdi heer baarlamaan ah oo Soomaaliya ka socda uuna aad usoo dhawaynayo, wasiirka ayaa intaasna ku daray in ay dowladda Suudaan diyaar u tahay in ay sii kordhiso deeqaha waxbarasho ee dowladda Suudaan ugu deeqdo dowladda walaalaha yihiin ee Soomaaliya.

Sidoo kale wafdiga ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Wasiiru dowlaha iskaashiga caalamiga ah  Mudane Xuseen Sharif  Ibrahiin Al-hindi iyadoo labada dhinac ka wada hadleen sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha quseeya iskaashiga caalamiga ah ee labada dowladood iyo labada hay’adood.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda iskaashiga caalamiga ah ee Suudaan ayaa isagana sheegay in ay diyaar u yihiin in ay tabaro u fidiyaan shaqaalaha wasaaradda iskaashiga caalamiga, isigoo xusayna in ay jiraan qaabab casri ah oo hada wasaaraduudu ku shaqayso oo ah mid heer calami ah iyo mid heer gudi ah.

Gudiga oo howlahiisa shaqo ku kuga jira ayaa sidoo kale kulan la qaatay golaha saaxiibtinimada diblumaasiyadda shacabka oo xaruntoodu tahay magaalada khartoum, waxa ayna warbixin ka dhagaysteen golahaas iyo sida ay u  shaqeeyaan.

Kadib kulankaas ayaa waxaa laysla gartay in la sameeyo gole saaxiibtinimo oo ka shaqeeya diblumaasiyadda shacabka Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo labo gole laga kala sameenayo Muqdisho iyo Khartoum.

Sidoo kale waxaa laysla gartay in la sameeyo tobaadka dhaqanka oo laga kala sameenayo Muqdisho iyo Khartoum kaasoo lagu soo bandhigayo hidaha iyo dhaqanka labada shacab ee Soomaaliya iyo Suudaan, laysna waydaarsado booqashooyin fanaaniin ah si dhanka is dhexgalka dhaqanka loo soo celiyo.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in uu Suudaan sii joogo ilaa maalinta jimcaha oo ay booqashooyinkooda soo gabagebeyn doonaan iyagoo hishiisyo la saxiixan doona baarlamaanka dowladda Suudaan.

IMG_2157 IMG_2126 IMG_2124 IMG_2164 IMG_2166 IMG_2169 IMG_2171 IMG_2172 IMG_2159 IMG_2158 IMG_2117 IMG_2123W/D:Yuusuf Kashmiir   Suudaan 

 

Previous Post

Tababbar lagu baranayey u adkaysiga Aafooyinka oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne C/Kariim Xuseen Guuleed?

Next Post
Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne C/Kariim Xuseen Guuleed?

Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne C/Kariim Xuseen Guuleed?

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In