Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar loo furay Qaar ka mid ah Shaqaalaha Gobalka Banaadir 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Tababar loo furay Qaar ka mid ah Shaqaalaha Gobalka Banaadir 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku – simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa furay tababar loogu tala – galay in lagu tayeeyo xirfadda aqooneed ee Xog Uruuriyaasha oo ku saabsan Hannaanka Khariidadeynta Isku Dhacyada ka dhaca Gobolka Banaadir.

Tababarkan oo uu soo agaasimay maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Mudane Ciise Guure madashan ka sheegay baahida keentay in la qabto tababarkan, waxa uuna yiri; “Waxaa xaqiiqo ah in degaannada hoos yimaada maamulka Gobolka Banaadir ay ka jiraan khilaafyo taabanayo dhinacyo badan arrimaha dhulka ay ka mid yihiin, sidaasi darteed ay go’aansadeen in la dhiso aqoonta iyo xirfadda howlwadeennada Gobolka Banaadir ee ka shaqeeya arrimahaasi, si ay u keenaan xog waafi ah oo horseedda in la dhisho siyaasadihii iyo hab – raacyadii lagu gaari xal rasmi ah”.

Related posts

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026
Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

February 15, 2026

Wasiir Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in Gobol kasta laga sameeyo khariidadeynta khaliifyada ka dhaca, maadama ay kala duwanyihiin khilaafyadooda, si gobol kasta loogu dabaqo xalka ku habboon. Sidoo kale Wasiir Fiqi, ayaa u mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda UNDP.

Ugu Dambayn, Ku – Simaha Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ku adkeeyay ka qaybalayaasha in tababarkan ay ka faa’iideysan doonaan, xirfadooda aqooneed ay kobci doonto, Gobolka

Banaadir na uu hanan doono kaadiriin aqoon u leh xirfadda xog – aruurinta.

Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Kulan lagu Ansixiyay Mashuurca Tallaalka Qaranka oo ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland 

Next Post
Kulan lagu Ansixiyay Mashuurca Tallaalka Qaranka oo ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland 

Kulan lagu Ansixiyay Mashuurca Tallaalka Qaranka oo ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland 

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026
0

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis...

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

February 15, 2026
0

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika...

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

February 15, 2026
0

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo Xeydar Muqtaar Afgarashadiisu tahay iyo...

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsan Cimilada Cagaaran

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsan Cimilada Cagaaran

February 15, 2026
0

Waxaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo ku saabsan Cimilada Cagaaran iyo Isdhaafsiga aqoonta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In