Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababar loo furay Qaar ka mid ah Shaqaalaha Gobalka Banaadir 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Tababar loo furay Qaar ka mid ah Shaqaalaha Gobalka Banaadir 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku – simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa furay tababar loogu tala – galay in lagu tayeeyo xirfadda aqooneed ee Xog Uruuriyaasha oo ku saabsan Hannaanka Khariidadeynta Isku Dhacyada ka dhaca Gobolka Banaadir.

Tababarkan oo uu soo agaasimay maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Mudane Ciise Guure madashan ka sheegay baahida keentay in la qabto tababarkan, waxa uuna yiri; “Waxaa xaqiiqo ah in degaannada hoos yimaada maamulka Gobolka Banaadir ay ka jiraan khilaafyo taabanayo dhinacyo badan arrimaha dhulka ay ka mid yihiin, sidaasi darteed ay go’aansadeen in la dhiso aqoonta iyo xirfadda howlwadeennada Gobolka Banaadir ee ka shaqeeya arrimahaasi, si ay u keenaan xog waafi ah oo horseedda in la dhisho siyaasadihii iyo hab – raacyadii lagu gaari xal rasmi ah”.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026

Wasiir Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan noqotay in Gobol kasta laga sameeyo khariidadeynta khaliifyada ka dhaca, maadama ay kala duwanyihiin khilaafyadooda, si gobol kasta loogu dabaqo xalka ku habboon. Sidoo kale Wasiir Fiqi, ayaa u mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda UNDP.

Ugu Dambayn, Ku – Simaha Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ku adkeeyay ka qaybalayaasha in tababarkan ay ka faa’iideysan doonaan, xirfadooda aqooneed ay kobci doonto, Gobolka

Banaadir na uu hanan doono kaadiriin aqoon u leh xirfadda xog – aruurinta.





Previous Post

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Next Post

Kulan lagu Ansixiyay Mashuurca Tallaalka Qaranka oo ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland 

Next Post
Kulan lagu Ansixiyay Mashuurca Tallaalka Qaranka oo ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland 

Kulan lagu Ansixiyay Mashuurca Tallaalka Qaranka oo ka dhacay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In