Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sanduuqa Qaranka ee Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, oo kaashanaya Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay maanta tababbarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada ee loogu talagalay Bangiyada Soomaaliya.

Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha maaliyadeed ee dalka si ay door muuqda uga qaataan soo jiidashada maalgelinta caalamiga ah ee la xiriirta isbeddelka cimilada.

Related posts

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka socday bangiyada ganacsiga iyo shirkadaha caymiska ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jireen masuuliyiin u qaabilsan horumarinta ganacsiga, maamulka amaahda iyo khataraha, joogtaynta, iyo maalgelinta mashaariicda. Ka qaybgalayaashu waxay falanqeeyeen kaalinta sii kordheysa ee waaxda maaliyadeed ee Soomaaliya ay ku yeelan karto maalgelinta mashaariicda kor u qaadaya adkeysiga isbeddelka cimilada iyo kobaca dhaqaale ee waara.

Agaasimaha Guud ee Ururka Bangiyada Soomaaliyeed Dr. Axmed Khadar Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in bangiyada Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay kordhiyaan maalgashiga dhinacyada xoojinaya adkeysiga dalka ee isbeddelka cimilada.

“Bangiyada Soomaaliya waxay diyaar u yihiin inay kordhiyaan maalgelinta dhammaan qaybaha kor u qaadaya adkeysiga Soomaaliya ee isbeddelka cimilada. Tababarkani wuxuu noo ahaa fursad muhiim ah oo aan ku fahanno nidaamka maaliyadda cimilada ee caalamiga ah.” Ayuu yiri Guddoomiye Dr. Axmed.

Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaranka ee Cimilada Soomaaliya (NCF), Libaan Cabsiiye, ayaa xusay muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Sanduuqa NCF iyo Ururka Bangiyada Soomaaliyeed.

“Iyadoo loo marayo iskaashikeenna joogtada ah ee aan la leenahay Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, Sanduuqa Qaranka ee Cimiladu waxaa ka go’an, dhismaha waax maaliyadeed oo awood leh, kana jawaabi karta caqabadaha isbeddelka cimilada

 

 

Previous Post

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

Next Post

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Next Post
Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In