Wasaaradda Cadaalada ayaa maanta tababbar ku aadan sidii la isaga kaashan lahaa in bulshada ay helaan xukun cadaallad ah u qabatay xubno ka socda Hoogaanka dambi barista dambiyada ee Gobalka Benaadir iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Xubnaha ka socday Hogaanka dambi baarista iyo Xeer Ilaaliyeyaasha dowlad Gobaledyada Galmadug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo gobalka Benaadir ayaa si isku mid ah ugu mahad celiyaay macalinmiinta tababbarka bixinyay iyo Wasaradda Cadaaladda, iyaga oo sheegay iney muhim ay tahay in dacwadaha dhibatooyinka loo geesto Haweenka iyo dadka baahiyaha garka qaba in si cadaaladah loo qaado, isla markaana tababrkaana ay muhiim u tahay iney ka faa’iideystaan.
Wasiirka Wasaradda Cadaaladda ee Xukumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa oo daah furay tababbarka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay in la horumariyo cadaaladda dalka.
Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu shegaay in ahmiyadda ugu weyn ay dowladda siineyso ay tahay in bulshada Soomaaliyed ay helaan Garsoor iyo Cadaallad Hufaan.
Hadaba si ahmiyad loo siiyo ka hortagga dhibaatooyinka loo geysto Haweenka iyo dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa Wasaaradda Cadaaladdu waxa ay ku howlantahay sidii loo xoojin lahaa tababbarada la siinayo hay’adaha amniga iyo Garsoorka.