Wednesday, July 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababbarka Guddi-hoosaadyada Dowladda ee Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka

Idman Yahye by Idman Yahye
April 26, 2025
in Wararka
0
Tababbarka Guddi-hoosaadyada Dowladda ee Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Tababbarka Guddihoosaadyada, kuwaas oo qeyb ka noqonayo hirgelinta siyaasadda “maanta waa maalin aad muhiim ugu ah dib u habaynta shaqaalaha, tababbarka ka dib waxa idin fuulayo masuuliyad weyn, waxa la idinkaga baahan yahay in aad si dhab ah uga qeyb qaadataan howlaha socda”

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo kalimad ka jeediyey furitaanka ayaa xusay “in dib u habaynta shaqaalaha ay soo martay marxalado kala duwan iyadoo hadda qorshuhu yahay in laga guuro qaabka ay u nidaamsan yihiin darajooyinka jira loona guuro darajooyin waafaqsan halbeegyada caalamiga ah. Guddiyada maanta uu u billaabanayo tababbarka waxa ay laf dhabar u yihiin fulinta howshan, sidaas darteed, cid kasta waxa lagula xisaabtami doonaa masuuliyaddeeda”.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025

Tababbarkan oo ay bixinayaa Xubnaha Guddiga Farsamada ee hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka ayaa diiradda lagu saari doonaa, sidii xubnaha guddi-hoosaadyada waxa uga baran lahaayeen; siyaasaddda, xeerka kala xadeynta xukuumadda, kala saaridda & qiimeynta shaqooyinka, iswaafajiynta mushaarka, shaqada & darajada u qalanta, qiimeeynta waxqabad ku salaysan natiijo, in la abuuro hannaan si xaqsoor ah isugu jaangoynaya xuquuqda, shaqada, & howlqabadka shaqaalaha iyo mowduucya kale oo quseeya arrimaha maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka oo ay ka mid tahay dib u eegista iyo sameynta qaabdhismeeyada.

Tababbarkaan ayaa ah bar-bilow wanaagsan iyo tilaabo horay loo qaaday, iyadoo isbuuccii hore uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre uu daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda isgaoo amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqangeliyo siyaasadaan muhiimka u ah horumarinta iyo xoojinta adeegyada Dowladda.

Muddada uu socdo tababbarkan waxa ka faa’iideysanaya Guddihoosaadyo laga dhisay dhammaan Wasaarada iyo Hay’adaha dowladda, kuwaas oo ay hormuud u yihiin Agaasimeyaasha Guud.

Previous Post

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si habsami leh uga socota 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir

Next Post

Doorka firfircoon ee ay Soomaaliya kaga jirto BBA oo la bogaadiyay

Next Post
Doorka firfircoon ee ay Soomaaliya kaga jirto BBA oo la bogaadiyay

Doorka firfircoon ee ay Soomaaliya kaga jirto BBA oo la bogaadiyay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay boqollaal haweenka Soomaaliyeed ka mid ah

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025(MUQDISHO), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay boqollaal ka mid...

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

Wasiirka Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyadda XFS oo shir muhiim ah uga qaybgalaya dalka Switzerland

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay...

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Qaran oo gaaray magaalada Jowhar

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa  gaaray magaalada Jowhar, ee xarunta...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Shiinaha

July 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO, 09-JULY-2025, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In