Monday, December 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska AMISOM oo faah faahin ka bixiyay weerarkii lagu xasuuqay Shabaab ee Halgan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Koox Wariyeyaal ah oo la socday Saraakiisha uga sarreysa Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa maanta gaaray deegaanka Halgan, oo qiyaastii 50Km u jira magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Ujeedka ayaa ahaa sidii Warbaahinta loogu soo bandhigi lahaa qasaaraha ka dhashay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada AMISOM ee Deegaanka Halgan.

Related posts

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

December 8, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS  Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

December 8, 2025

Taliyaha Ciidamada Ethobia Col. Ayenom Mesfin, ayaa ugu horreyntii faah faahin ka bixiyay sida uu ku billoowday Dagaalkii habeen ka hor ay shabaab ku soo qaadeen Saldhig ay leeyihiin AMISOM deegaanka Halgan.

“Weerar afar jiho ayey nagu soo qaadeen Al-Shabaab, cadowga afarta jiho ee naga soo weerareen waad aragteen, waxa khasaaro ee ka soo gaaray, qiyaastii 400 Shabaab ayaa soo weerartay aad bay isu soo abaabuleen, balse way ku jabeen, dagaalka wuxuu bilowday waaberigii ( 05:00Am) subaxnimo, wuxuu dhammaaday 09:00Am, subaxnimo”, Col Ayenom.

Afhayeenka AMISOM, Joe Kibet ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab aysan saldhiga ciidanka ku soo dhawaan.

“Galabta waxa aanu joognaa saldhiga AMISOM ee Halgan oo ay Al-Shabaab soo weerartay maalinimadii Khamiista, waxan la jiraa taliyayaasha Ciidanka AMISOM qaytooda Itoobiya, oo hawl-galkan fuliyey, waxa Shabaabku ku soo wareereen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaa lagu qarxiye meel u jirta 200 mitir saldhiga, kuma soo dhaweyn difaacyadeena, waad soo aragteen waxa sida uga dhacay halkan, kuma soo dhawaan saldhiga waa laga hortagay, nasiib wanaag waxa ay soo weerareen meel difaaceeda sareeyo, waana dacaayada in ay qabsadeen saldhigan”, Afhayeenka AMISOM, Joe Kibet ayaa isna madasha ka sheegay.

Maj. Gen. Nakibus Lakara, oo ah Sii Hayaha taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in 140 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay Dagaalkii maalin kahor ka dhacay Deegaanka Halgan, tanna ay tahay caddeyn ku filan jabka ay ciidamada AMISOM ay u geeysteen kooxihii argagixisada ee soo weeraray fariisinkooda.

“Marka hore aan u hambalyeeyo Col.Ayenomiyo ciidanka qabtay hawshan aadka loo amaano mudan, casharo Ayaan ka barangay weeraradiihore, Al-Shabaab waxa ay ka fa’idaysanaysey ducufiga AMISOM, balse waxan awoodnay in aan cashar ka barano, aan wadaagno waayo aranimo, waxan filayaa in  tani ay tahay caddeymo in ciidanka ay cashar dhigeen”, ayuu yiri Maj. Gen. Lakara.

Lakara ayaa sidoo kale Yiri “Xogtooda ayaa la hayey ka hor weerarka, waxa ayna ahayd in ciidanka la tiyaabiyo feejignaantooda,  waxa uu ahaa tusaale dayaargarow oo lagutalay,  ciidanku waa ay feejignaayeen, waxaana macluumaadkaas ay ka heleen dadka deegaanka”,

Sii hayaha Taliyaha AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadu furteen hubkii ay ku soo dagaala tageen Al-shabab.

“Guulo weyn ayaa laga gaaray, hub noocyo kala duwanleh baa lagu soo furtay, waxaad sioo kale aragteen maydadkooda way badanyihin, wax maxbuus ah ma jiraan, taliye Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay, kuwani kuwo la tarinkarayeewaaba ay ka tirabadanyihiin, kuwa ayaa cararay oo dhaawacmay,haddii 3-kilometer hore loo baxo waxaa la helayaa meydad horleh,ayuu sidoo kale hadalkiisa Raaciyay.

Degmada Halgan ayaa u jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan qiyaastii 50-tan KM, waxaana ay u dhaxaysa magaalada Beledweyne iyo Bula-burte isla gobalka Hiiraan, waana magaala ay buuro ku hareeraysan yihiin, meesha uu dagaal ku dhacay waxa ay ahayd meel labada dhinac iska arkayaan oo oodna u dhaxaynin.

DSCN0092 DSCN0204-2 DSCN0271 (1)

DSCN0271

 

Previous Post

Daawo Sawirrada aaskii AUN Maxamed Cali Kalaay

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Raiisul Wasaare Xamsa oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

December 8, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS  Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

December 8, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, oo looga hadlayo...

Wasiiro dhiirigelin ugu tegay bulshada Degmada Kaaraan

Wasiiro dhiirigelin ugu tegay bulshada Degmada Kaaraan

December 8, 2025
0

Mas'uuliyiin heer Wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa kormeer ku togay xarunta degmada Kaaraan oo ay...

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐥 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐥 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐃𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

December 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In