Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska AMISOM oo faah faahin ka bixiyay weerarkii lagu xasuuqay Shabaab ee Halgan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Koox Wariyeyaal ah oo la socday Saraakiisha uga sarreysa Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa maanta gaaray deegaanka Halgan, oo qiyaastii 50Km u jira magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Ujeedka ayaa ahaa sidii Warbaahinta loogu soo bandhigi lahaa qasaaraha ka dhashay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada AMISOM ee Deegaanka Halgan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

February 8, 2026
Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

February 8, 2026

Taliyaha Ciidamada Ethobia Col. Ayenom Mesfin, ayaa ugu horreyntii faah faahin ka bixiyay sida uu ku billoowday Dagaalkii habeen ka hor ay shabaab ku soo qaadeen Saldhig ay leeyihiin AMISOM deegaanka Halgan.

“Weerar afar jiho ayey nagu soo qaadeen Al-Shabaab, cadowga afarta jiho ee naga soo weerareen waad aragteen, waxa khasaaro ee ka soo gaaray, qiyaastii 400 Shabaab ayaa soo weerartay aad bay isu soo abaabuleen, balse way ku jabeen, dagaalka wuxuu bilowday waaberigii ( 05:00Am) subaxnimo, wuxuu dhammaaday 09:00Am, subaxnimo”, Col Ayenom.

Afhayeenka AMISOM, Joe Kibet ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab aysan saldhiga ciidanka ku soo dhawaan.

“Galabta waxa aanu joognaa saldhiga AMISOM ee Halgan oo ay Al-Shabaab soo weerartay maalinimadii Khamiista, waxan la jiraa taliyayaasha Ciidanka AMISOM qaytooda Itoobiya, oo hawl-galkan fuliyey, waxa Shabaabku ku soo wareereen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaa lagu qarxiye meel u jirta 200 mitir saldhiga, kuma soo dhaweyn difaacyadeena, waad soo aragteen waxa sida uga dhacay halkan, kuma soo dhawaan saldhiga waa laga hortagay, nasiib wanaag waxa ay soo weerareen meel difaaceeda sareeyo, waana dacaayada in ay qabsadeen saldhigan”, Afhayeenka AMISOM, Joe Kibet ayaa isna madasha ka sheegay.

Maj. Gen. Nakibus Lakara, oo ah Sii Hayaha taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in 140 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay Dagaalkii maalin kahor ka dhacay Deegaanka Halgan, tanna ay tahay caddeyn ku filan jabka ay ciidamada AMISOM ay u geeysteen kooxihii argagixisada ee soo weeraray fariisinkooda.

“Marka hore aan u hambalyeeyo Col.Ayenomiyo ciidanka qabtay hawshan aadka loo amaano mudan, casharo Ayaan ka barangay weeraradiihore, Al-Shabaab waxa ay ka fa’idaysanaysey ducufiga AMISOM, balse waxan awoodnay in aan cashar ka barano, aan wadaagno waayo aranimo, waxan filayaa in  tani ay tahay caddeymo in ciidanka ay cashar dhigeen”, ayuu yiri Maj. Gen. Lakara.

Lakara ayaa sidoo kale Yiri “Xogtooda ayaa la hayey ka hor weerarka, waxa ayna ahayd in ciidanka la tiyaabiyo feejignaantooda,  waxa uu ahaa tusaale dayaargarow oo lagutalay,  ciidanku waa ay feejignaayeen, waxaana macluumaadkaas ay ka heleen dadka deegaanka”,

Sii hayaha Taliyaha AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadu furteen hubkii ay ku soo dagaala tageen Al-shabab.

“Guulo weyn ayaa laga gaaray, hub noocyo kala duwanleh baa lagu soo furtay, waxaad sioo kale aragteen maydadkooda way badanyihin, wax maxbuus ah ma jiraan, taliye Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay, kuwani kuwo la tarinkarayeewaaba ay ka tirabadanyihiin, kuwa ayaa cararay oo dhaawacmay,haddii 3-kilometer hore loo baxo waxaa la helayaa meydad horleh,ayuu sidoo kale hadalkiisa Raaciyay.

Degmada Halgan ayaa u jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan qiyaastii 50-tan KM, waxaana ay u dhaxaysa magaalada Beledweyne iyo Bula-burte isla gobalka Hiiraan, waana magaala ay buuro ku hareeraysan yihiin, meesha uu dagaal ku dhacay waxa ay ahayd meel labada dhinac iska arkayaan oo oodna u dhaxaynin.

DSCN0092 DSCN0204-2 DSCN0271 (1)

DSCN0271

 

Previous Post

Daawo Sawirrada aaskii AUN Maxamed Cali Kalaay

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

February 8, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan...

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

February 8, 2026
0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Riyaad ee...

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare oo ka dooday dib u eegista Dastuurka

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare oo ka dooday dib u eegista Dastuurka

February 8, 2026
0

Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo si qoto dheer...

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska maalinta Caalamiga ah ee joojinta Gudniinka oo lagu qabtay Muqdisho

February 8, 2026
0

Wasaaradda Qoyska oo Muqdisho ku qabatay Munaasabadda 6da February ee maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka gabdhaha, munaasabaddan ayaa waxaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In