Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska booliiska gobolka Baay oo uga digay bulshada Baydhabo iney guryahooda ka kireeyaan Shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliska booliiska gobolka Baay oo uga digay bulshada Baydhabo iney guryahooda ka kireeyaan Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska Booliska Gobolka Baay, ayaa  shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ku wargeliyay, inaysan guryahooda ka kiraynin dad aan laga soo diiwaangelin Saldhigyada Booliska iyo Xarunta Maamulka Baydhabo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay, Col. Mahad C/raxmaan Aadan oo Saxaafadda kula hadlaayay Magaaladaasi, ayaa dadka deegaanka uga digay inay guryahooda ka kireeyaan dad aanay la soo socodsiin Booliska.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

“Dhammaan shacabka degan Degmada Baydhabo waxaa la farayaa in qof aysan la soo socodsiin Booliska iyo Maamulka Degmada aysan guryaha ka kirayn karin. Qofka halaga soo diiwaangeliyo Xarumaha Booliska iyo Maamulka Degmada.” Ayuu yiri Taliyaha.

“Cid aysan Booliska iyo Maamulka Degmada ka warqabin guryahiina kama kirayn kartaan. Hadhow haddii guryahaas lagu soo diyaariyo waxyaabo ka dhan ah ammaanka, waxaa lagala xisaabtami doonnaa milkiilayaasha guryaha.” Ayuu yiri Taliyaha.

Col. Mahad  ayaa tilmaamay inay jiraan dad qariya dhagar qabayaashal Shabaab, marka ay soo galaan Xarunta Gobolka Baay, hase ahaatee uu Boolisku si isu midda ula dagaalami doono Shabaab iyo waxa uu ugu yeeray Shabaab qariyayaal.

“Waxaa jira dadka qariya Shabaabka soo gala Degmadan Baydhabo. Shabaab mowqifkiisa waa cad yahay waa inuu dilo dadka Somaliyeed, ee qofka qarinaaya ma yaqaano ujeedada uu u qarinaayo. Booliska waxaa ka go’an in si isu midda uu ula dagaalamo Shabaab iyo Shabaab qariyaal.” Ayuu yiri Mahad C/raxmaan.

Previous Post

Dadka ku nool deegaanka Xawaadley oo ka cabanaya biyo la’aan

Next Post

Milateriga Nigeria oo sheegay inay dileen 60 ka tirsanaa maleeshiyaadka Boko Haram

Next Post
Milateriga Nigeria oo sheegay inay dileen  60 ka tirsanaa maleeshiyaadka Boko Haram

Milateriga Nigeria oo sheegay inay dileen 60 ka tirsanaa maleeshiyaadka Boko Haram

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In