Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta la wareegay qalab caafimaad oo ay kamid ahaayeen sariiro loogu talo galay Maxaabiista iyo gaari Ambalaas ah, si ay adeeg caafimaad oo dhameystiran u helaan maxaabiista Soomaaliyeed.

Dr Cabdinaasir Cali  Maxamed  oo ah Dhaqtar Soomaaliyeed oo muddo ku noolaa dalka Jarmalka ayaa maanta qalabkan  caafimaad iyo gaari Ambalaas ah ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, si loogu adeego Maxaabiista kujira Xabsiga dhaxe ee Xamar.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Qalabkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah agab loogu talo galay Caruurta Agoonta ah ee kujira Xarumaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Kadare iyo Afgooye.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u mahad celiyey Muwaadinka Soomaaliyeed ee maxaabiista soo gaarsiiyey qalabka, waxaana uu ku baaqay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay talaabadaan oo kale.

Dr.  Cabdinaasir Cali  Maxamed  oo halkaasi ka hadlay ayaa waxuu bogadiyay hormarka ka socda Xabsiga Dhaxe ee Xamar waxaana uu sheegay in uu sii laba jibaari doono taageerada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo haya howl dalka muhiim u ah.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku dadaalaya sidii nolol iyo waxbarasho fiican ay u heli lahaayeen maxaabiista, iyadoo iminka ay jiraan wax soo saar ay sameeyeen maxaabiista, gaar ahaana qalab ay soo saareen iyagoo adeegsanaya Warshad laga hirgeliyey Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Previous Post

Abaabul ay shacabka kaga hortagayaan dhibaatooyinka Al-shabaab oo ku sii xoogaysanaya Sh/dhexe

Next Post

Wasiirka Difaaca XSF”Dhawaan waxaa la soo geba gebeyn doona dhismaha Warshadda Tolmada Dharka Ciidanka X.D”

Next Post
Wasiirka Difaaca XSF”Dhawaan waxaa la soo geba gebeyn doona dhismaha Warshadda Tolmada Dharka Ciidanka X.D”

Wasiirka Difaaca XSF”Dhawaan waxaa la soo geba gebeyn doona dhismaha Warshadda Tolmada Dharka Ciidanka X.D”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In