Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Asluubta oo la wareegay Qalab Caafimaad iyo Gaari Ambalaas ah+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta la wareegay qalab caafimaad oo ay kamid ahaayeen sariiro loogu talo galay Maxaabiista iyo gaari Ambalaas ah, si ay adeeg caafimaad oo dhameystiran u helaan maxaabiista Soomaaliyeed.

Dr Cabdinaasir Cali  Maxamed  oo ah Dhaqtar Soomaaliyeed oo muddo ku noolaa dalka Jarmalka ayaa maanta qalabkan  caafimaad iyo gaari Ambalaas ah ku wareejiyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, si loogu adeego Maxaabiista kujira Xabsiga dhaxe ee Xamar.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Qalabkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah agab loogu talo galay Caruurta Agoonta ah ee kujira Xarumaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Kadare iyo Afgooye.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u mahad celiyey Muwaadinka Soomaaliyeed ee maxaabiista soo gaarsiiyey qalabka, waxaana uu ku baaqay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay talaabadaan oo kale.

Dr.  Cabdinaasir Cali  Maxamed  oo halkaasi ka hadlay ayaa waxuu bogadiyay hormarka ka socda Xabsiga Dhaxe ee Xamar waxaana uu sheegay in uu sii laba jibaari doono taageerada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo haya howl dalka muhiim u ah.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku dadaalaya sidii nolol iyo waxbarasho fiican ay u heli lahaayeen maxaabiista, iyadoo iminka ay jiraan wax soo saar ay sameeyeen maxaabiista, gaar ahaana qalab ay soo saareen iyagoo adeegsanaya Warshad laga hirgeliyey Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Previous Post

Abaabul ay shacabka kaga hortagayaan dhibaatooyinka Al-shabaab oo ku sii xoogaysanaya Sh/dhexe

Next Post

Wasiirka Difaaca XSF”Dhawaan waxaa la soo geba gebeyn doona dhismaha Warshadda Tolmada Dharka Ciidanka X.D”

Next Post
Wasiirka Difaaca XSF”Dhawaan waxaa la soo geba gebeyn doona dhismaha Warshadda Tolmada Dharka Ciidanka X.D”

Wasiirka Difaaca XSF”Dhawaan waxaa la soo geba gebeyn doona dhismaha Warshadda Tolmada Dharka Ciidanka X.D”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In