Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay labo Qarax oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho,kuwaas oo ay ciidanka amnigu ku raad joogeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada Qarax ay ka kala dhaceen agagaarka Taaladda Sayidka iyo meel ku dhow Hotel Afriik gaar ahaan Barta-Kontaroolka ee wadada aadda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Maanta waxaa Xamar ka dhacay labo Qarax oo is xig-xigay,kan koowaad wuxuu ka dhacay taalada sayidka agagaarkeeda,waxaa ku dhintay sagaal qof,waxaa ku dhaawacmay 25-Qof,Qaraxa labaad ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Hotel Afrik gaar ahaan meel ku dhow barta-Kontaroolka ee wadada aada Airport-ka,waxaa ku dhintay dhagarqabihii waday gaariga halka uu  ku dhaawacmay mid kii la socday oo ciidanka Booliska ay hadda gacanta ku hayaan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Sidoo kale, S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) wuxuu sheegay in labada gaari ee Qarxay ay ku raad joogeen ciidanka,islamarkaana iyagoo eryanaya ay Qarxeen,waxaana gaariga Qaraxa Ciidanka ku soo wargeliyay qof shacab ah.

Ugu dambeyntii,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeiko ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan ciidanka amniga lana wadaagaan xogaha horseedi kara in gacanta lagu soo dhigo dhagarqabayaasha caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramda Midoobay Ee Arrimaha Afrika

Next Post

Daawo+Sawirro” Ururka dhaqaatiirta Gobolka Mudug oo Adeeg Caafimaad ka Fuliyay Magaalada Ceeldibir”

Next Post
Daawo+Sawirro” Ururka dhaqaatiirta Gobolka Mudug oo Adeeg Caafimaad ka Fuliyay Magaalada Ceeldibir”

Daawo+Sawirro" Ururka dhaqaatiirta Gobolka Mudug oo Adeeg Caafimaad ka Fuliyay Magaalada Ceeldibir"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In