Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 15, 2019
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay labo Qarax oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho,kuwaas oo ay ciidanka amnigu ku raad joogeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada Qarax ay ka kala dhaceen agagaarka Taaladda Sayidka iyo meel ku dhow Hotel Afriik gaar ahaan Barta-Kontaroolka ee wadada aadda Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Maanta waxaa Xamar ka dhacay labo Qarax oo is xig-xigay,kan koowaad wuxuu ka dhacay taalada sayidka agagaarkeeda,waxaa ku dhintay sagaal qof,waxaa ku dhaawacmay 25-Qof,Qaraxa labaad ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Hotel Afrik gaar ahaan meel ku dhow barta-Kontaroolka ee wadada aada Airport-ka,waxaa ku dhintay dhagarqabihii waday gaariga halka uu  ku dhaawacmay mid kii la socday oo ciidanka Booliska ay hadda gacanta ku hayaan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Sidoo kale, S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) wuxuu sheegay in labada gaari ee Qarxay ay ku raad joogeen ciidanka,islamarkaana iyagoo eryanaya ay Qarxeen,waxaana gaariga Qaraxa Ciidanka ku soo wargeliyay qof shacab ah.

Ugu dambeyntii,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed Ameeiko ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan ciidanka amniga lana wadaagaan xogaha horseedi kara in gacanta lagu soo dhigo dhagarqabayaasha caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa Ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramda Midoobay Ee Arrimaha Afrika

Next Post

Daawo+Sawirro” Ururka dhaqaatiirta Gobolka Mudug oo Adeeg Caafimaad ka Fuliyay Magaalada Ceeldibir”

Next Post
Daawo+Sawirro” Ururka dhaqaatiirta Gobolka Mudug oo Adeeg Caafimaad ka Fuliyay Magaalada Ceeldibir”

Daawo+Sawirro" Ururka dhaqaatiirta Gobolka Mudug oo Adeeg Caafimaad ka Fuliyay Magaalada Ceeldibir"

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In