Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka XDS oo fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qadeen Baydhaba

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 month ago
in Wararka
0
Taliska Ciidanka XDS oo fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qadeen Baydhaba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerrar ay maleeshiyaadka Khawaarijtu kusoo qaadeen magaalada Baydhabo, oo ah Caasimadda KG ah ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa muddooyinkii dambe waday isku dayo ay ku doonayaan inay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo, xilli magaalada iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed ay sameynayaan horumarro muuqda oo dhinaca amniga ah.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ciidanka XDS oo si buuxda uga foojigan dhagaraha iyo isku dayada cadowga ayaa si adag uga hortagay weerarka, waxaana Khawaarijta la gaarsiiyay jab xooggan oo isugu jira khasaare naf iyo maal ah. Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ayaa lagu qasbay inay goobahii lagu dagaalamay kaga tagaan meydad, hub iyo gaadiid.

Taliska Ciidanka XDS ayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka la fashiliyay iyo khasaaraha Khawaarijta soo bandhigi doono saacadaha soo socda.

Taliska Ciidanka XDS wuxuu shacabka Baydhabo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay muujiyaan feejignaan iyo wada-shaqeyn, isla markaana ay garab istaagaan ciidamada Qaranka ee u taagan difaaca shacabka iyo sugidda amniga dalka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Next Post

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Next Post
Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In