Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka XDS oo fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qadeen Baydhaba

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 months ago
in Wararka
0
Taliska Ciidanka XDS oo fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qadeen Baydhaba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerrar ay maleeshiyaadka Khawaarijtu kusoo qaadeen magaalada Baydhabo, oo ah Caasimadda KG ah ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa muddooyinkii dambe waday isku dayo ay ku doonayaan inay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo, xilli magaalada iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed ay sameynayaan horumarro muuqda oo dhinaca amniga ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ciidanka XDS oo si buuxda uga foojigan dhagaraha iyo isku dayada cadowga ayaa si adag uga hortagay weerarka, waxaana Khawaarijta la gaarsiiyay jab xooggan oo isugu jira khasaare naf iyo maal ah. Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ayaa lagu qasbay inay goobahii lagu dagaalamay kaga tagaan meydad, hub iyo gaadiid.

Taliska Ciidanka XDS ayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka la fashiliyay iyo khasaaraha Khawaarijta soo bandhigi doono saacadaha soo socda.

Taliska Ciidanka XDS wuxuu shacabka Baydhabo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay muujiyaan feejignaan iyo wada-shaqeyn, isla markaana ay garab istaagaan ciidamada Qaranka ee u taagan difaaca shacabka iyo sugidda amniga dalka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Next Post

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Next Post
Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In