Friday, September 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Xogga Dalka oo Turkiga ka guddoomay Labis Ciidan

admin by admin
March 5, 2018
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Xogga Dalka oo Turkiga ka guddoomay Labis Ciidan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guddoomay Dareeskan Ciidan oo Dowladda Turkigu ay ugu talagashey Ciidamada Cirka iyo Badda oo ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,waxaana ay ka guddoomeen saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Dalkaasi Turkiga.

Dareeskan Dowladda Turkigu ay ugu deeqday Ciidammada Cirka iyo Badda Soomaaliya ayaa isugu jiray dhar iyo kabaha buudka ah iyo agab kale oo labiska ciidammada laxiriira,kuwaasi oo qeyb ka ah dadaalada ay dowladda Turkigu ay ku taageerayso ciidanka Xoogga Dalka.

Munaasabad kooban oo dareeskaasi loogu wareejinayay Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka dhacay Xerada Tababarka Jasiira, waxaana Taliyaasha Ciidammada Cirka iyo Badda Admiral Madey Nuurow Sheekh Ufurow iyo Maxamuud Sheekh Cali deble Baylood ay balanqaadeen in ay u maareyn doonaan sidii loogu talagalay.

“Maanta waxaan halkani ku guddoomaynaa dareeskan oo Dowladda Turkigu inoogu deeqday,mana-ahan markii ugu horeysay,waa markii labaad oo deeq tan lamid ah ay noo keento Dowladda Turkiga, waxaan dhihi karnaa waa cusub ayaa inoo baryay, anagana waxaan balanqaadaynaa in aan u maareyno sidii loogu talagalay.” ayuu yiri taliyaha Ciidammada Cirka  Maxamuud Sheekh Cali Deble Baylood.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga sida ay u garab taagantahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay mid dhiiro-gelinaysa Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Turkiga oo kamid ah saaxiibada Soomaaliya ayaa door muuqda ku leh taageerada la siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida hirgelinta mashaariic horumarineed iyo taageeridda ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Previous Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Horumarineed kala saxiixday+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka hadlay sababihii loo xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho

Next Post
Kulanka Guddiga Amniga Gobolka Benaadir oo qodobo laga soo saaray

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka hadlay sababihii loo xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho

Dowladda oo boogaadisay guulaha ciidanka qaranka ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay duleedka Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa maanta ka hadlay guulaha...

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa maaanta ka hortagay weerarro ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saakay waaberigii ku...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

September 12, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley...

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

September 12, 2025
0

Maamulka Wasaaradda Beeraha XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu soo bandhigaayey hal abuurka dhallinyarada  ee dhinaca wax soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In