Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska Ciidanka Xogga Dalka oo Turkiga ka guddoomay Labis Ciidan

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Taliska Ciidanka Xogga Dalka oo Turkiga ka guddoomay Labis Ciidan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guddoomay Dareeskan Ciidan oo Dowladda Turkigu ay ugu talagashey Ciidamada Cirka iyo Badda oo ka mid ah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,waxaana ay ka guddoomeen saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Dalkaasi Turkiga.

Dareeskan Dowladda Turkigu ay ugu deeqday Ciidammada Cirka iyo Badda Soomaaliya ayaa isugu jiray dhar iyo kabaha buudka ah iyo agab kale oo labiska ciidammada laxiriira,kuwaasi oo qeyb ka ah dadaalada ay dowladda Turkigu ay ku taageerayso ciidanka Xoogga Dalka.

Munaasabad kooban oo dareeskaasi loogu wareejinayay Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka dhacay Xerada Tababarka Jasiira, waxaana Taliyaasha Ciidammada Cirka iyo Badda Admiral Madey Nuurow Sheekh Ufurow iyo Maxamuud Sheekh Cali deble Baylood ay balanqaadeen in ay u maareyn doonaan sidii loogu talagalay.

“Maanta waxaan halkani ku guddoomaynaa dareeskan oo Dowladda Turkigu inoogu deeqday,mana-ahan markii ugu horeysay,waa markii labaad oo deeq tan lamid ah ay noo keento Dowladda Turkiga, waxaan dhihi karnaa waa cusub ayaa inoo baryay, anagana waxaan balanqaadaynaa in aan u maareyno sidii loogu talagalay.” ayuu yiri taliyaha Ciidammada Cirka  Maxamuud Sheekh Cali Deble Baylood.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga sida ay u garab taagantahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay mid dhiiro-gelinaysa Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Turkiga oo kamid ah saaxiibada Soomaaliya ayaa door muuqda ku leh taageerada la siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida hirgelinta mashaariic horumarineed iyo taageeridda ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Previous Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Heshiis Horumarineed kala saxiixday+Sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka hadlay sababihii loo xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho

Next Post
Kulanka Guddiga Amniga Gobolka Benaadir oo qodobo laga soo saaray

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka hadlay sababihii loo xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane...

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026
0

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Saciid ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

August 20, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS Mudane Hamza Haadoow, ayaa maanta kormeer ku...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In