Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha kulliyadda tababarka Ciidamada XDS ee TurkSom, waxaana kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo tababarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Kulankaan waxaa si gaar ah taliyaha iyo saraakiisha Turkiga ay kaga wada-hadleen horumarinta iyo dib u dhiska ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed.
Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in sare loo qaado xirfadda iyo tababarka ciidanka xoogga dalka oo isku diyaarinaya inay amniga dalka si buuxda ula wareegaan marka ay baxaan ciidanka ATMIS dhammaadka sanadkan.