Sunday, July 3, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha booliiska oo tababar u soo xirey saraakiil-Sawirro

June 20, 2016
in Wararka
0
Taliyaha booliiska oo tababar u soo xirey saraakiil-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliiska soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Maanta tababar muddo soconayay ugu soo xiray qaar ka mid ah saraakiisha booliiska Xerada Gaadiidka.

Taliyaha waxa uu aad u ammaanay doorka ay ciidanka Booliiska ka qaataan Sugidda ammaanka Qaranka, taasina lagu fuliyay hadba tababarada ay qaataan, wuxuuna tilmaamay in waxyaabihii ay halkaan ka barteen ay ku dabakhaan hawlaha ay shacabka u hayaan.

Related posts

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022

Dhanka kale Taliyaha ciidanka Booliska soomaaliyeed ayaa maanta kormeer ku tegay goobaha ay ka socoto mushaar bixinta Ciidanka booliiska soomaaliyeed.

Ugu horeen waxaa mushaar bixinta lagu bilabay taliyaha Ciidanka booliska, waxuuna ammaanay qaabka ay u socoto lacag bixinta ciidanka.

“Waad u jeedaan aniga ayaa laygu bilaabay lacagta mushaarka oo ah seddex bilood, wayna soconaysaa inta ay ka qaadanayaan Ciidanka dhan midka heeganka ah iyo kuwa xafiisyada joogaba,aad ayaana u amanayaa saraakiisha ku howlan mushaar bixinta”sidaasi waxaa yiri taliyaha Ciidanka booliiska Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud .

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa wada dadaalo lagu tayaynayo Ciidanka,isla markaana kor loogu qaadayo aqoontooda.

b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7 b9 b10 b11
Isha SONNA

Previous Post

Doorka haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post

QM oo sheegtay in ay korortay tirada qaxootiga adduunka

Next Post
QM oo sheegtay in ay korortay tirada qaxootiga adduunka

QM oo sheegtay in ay korortay tirada qaxootiga adduunka

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Khadra Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bahda Faniinta uga tacsiyadeeyay geerida...

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

July 2, 2022
0

Allaha u naxariistee Fanaannad Qaran Khadra Daahir CIge ayaa caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa kaddib xanuun maalmahan hayay. Maxamed Xasan...

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

July 2, 2022
0

Waxaa maanta Dugsiga Maareynta iyo Maamulka Guud (School of Management and Public Administration) ee Jaamacadda Ummadda si habsami leh ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In