Taliyaha ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan Ismaaciil Qaani, ayaa magaalada Najaf ee koonfurta Baqdaad kula kulmay Muqtada Al-Sadri, oo ah hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Sadri, isaga oo sida la sheegay kala hadlay xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan dalka Ciraaq.
Xafiiska warbaahinta Al-Sadar ayaa bayaan uu soo saaray shalay lagu sheegay in hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Sadri, Muqtada Al-Sadar uu ku qaabilay taliyaha ciidamada Qudus ee Iiraan, Ismaaciil Qaani, oo beryahan ku sugnaa deegaanka Al-Xanaana, ee saldhigga hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Sadri ee ku yaalla Gobolka Najaf.
Muqtada Al-Sadar, oo xulafadiisa siyaasadeed ay ku guulaysteen kuraasta ugu sarraysa ee Baarlamaanka doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii Oktoobar ee sanadkii tagay, ayaa soo dhaweeyay booqashada Ismaaciil Qaani, uu ku yimid Ciraaq.
Qaani ayaa horraantii Todobaadkan gaaray dalka Ciraaq, waxuuna kulamo kaal duwan la qaatayhogaanka ciidamada isku dhafka ah oo ay ku jiraan inta badan kooxaha Shiicada.