Sunday, December 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Generaal Cirfiid oo maanta gaaray deegaanka Bariire

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ciidmada XDS oo tiro maleshiyaad ah ku dilay tuulada Masaajid Cali Guduud ee G/Sh/Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Axmed Jimcaale “Cirfiid” ayaa goordhow gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga dalka ee ku sugan deegaankaasi.

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee uu maanta ku tegay  deegaanka Bariire ayaa waxay tahay sidii uu Generaal Cirfiid ugu kuur gali lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee deegaanka iyo siday u socdaan howlgalka lagu baacsanayo Al-Shabaab ee halkaasi ka socda.

Related posts

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiiro cusub

December 13, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

December 13, 2025

Sidoo kale,Generaal Cirfiid oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Bariire ayaa sheegay in halkaan la iska fadhin doonin, islamarkaana la qaadayo howlgal saf balaaran oo dalka looga saarayo maleeshiyaadka naf lacaariga Al-Shabaab ee hadda ku sugan qeybo yar oo ka mid ah Soomaaliya.

Maleeshyaadka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Bariire gaar ahaan fariisin ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka,waxayna iska caabin xooggan kala kulmeen Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Previous Post

Wafdi ka socoda Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu soo dhaweyey Mareykanka

Next Post

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Boosaaso+(Sawiro)

Next Post
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Boosaaso+(Sawiro)

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Boosaaso+(Sawiro)

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiiro cusub

December 13, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqon doona...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

December 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-qaabilsanaha cusub arrimaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga,...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In