Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka X.D.S “Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka X.D.S “Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga” “Sawirro”

?????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo u jooga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa maanta kormeer howlleed oo ugu kuur geliyey xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin Ciidanka wuxuu ku tagey xeryaha  ay dagan yihiin Ciidamadda Xoogga dalka ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo  uu kula hadlay ciidamadda Xooga dalka ee dhawaan isku dhafka lagu sameeyey. Isagoo sidoo kale tagey Dekedda weyn ee Kismaayo iyo xarumuhii Ciidanka Badda Soomaaliya ee yaalay magaalada Kismaayo.


Taliyaha  ayaa kula dardaarmay ciidankan inay noqdaan ciidamo ka shaqeeya danaha shacabka, isla markaana illaaliya xaquuqda Bani’daamka maadaama ay nasiib u yeesheen in ay noqdaan ciidankii ugu horeeyey ee Isku dhaf lagu sameeyey “Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga, uuna uug horeeyo caddowga al shabaab” ayuu yiri  Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

“Hadda waxaan ka shaqayneynaa sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidamadii Qaranka oo loo sugi lahaa Xuquuqda ay qaranka ku leeyihiin si ay u gutaan waajibaadkooda qaran. Waxaan idiin sheegayaa in aad nasiib u yeelateen in aad noqotaan ciidankii ugu horeeyey ee la isku dhafo”.

“Taliska Xoogga dalka Soomaaliya waxba dib uma dhiganayo si loo dhiso dhammaan qaybihii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo la doonayo inay ka yimaadaan dhammaan gobolada dalka. Ciidamada waa la isku dhafayaa, waxana laga wada qorayaa dalka oo dhan”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/G Maxamed Aaden Axmed.

Ugu danbeyn, Taliyaha iyo Wafdiga la socday oo ay weheliyeen saraakiisha Ciidamadda ee deegaanadda Jubbooyinka  ayaa kormeer ku sameeyey Xerada Akeedeemiyo ee duleedka Kismaayo iyo xarumihii ay lahaayeen Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee ku yaala gudaha magaalada Kismaayo. Waxana uu Taliyuhu kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Dekadda weyn halkaas oo ay ka soconayeen xiligii uu booqonayay shaqo maalmeedka caadiga ah.
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
Previous Post

Maamulka Degmada Hiliwaa Oo Dayactir Ka Bilaabay Wadada Isku Xirta Isgoyska Sos Iyo Waxarcade

Next Post

Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Hey’adaha Qaramada Midoobay Kala Hadlay Arrimaha Roobabka Dabeylaha Wata Ee La Saadaaliyay “Sawirro”

Next Post
Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo  Hey’adaha Qaramada Midoobay Kala Hadlay Arrimaha  Roobabka Dabeylaha Wata Ee La Saadaaliyay “Sawirro”

Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Hey’adaha Qaramada Midoobay Kala Hadlay Arrimaha Roobabka Dabeylaha Wata Ee La Saadaaliyay "Sawirro"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In