Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta iyo Xeer ilaaliyaha Germany (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta iyo Xeer ilaaliyaha Germany (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo Booqasho shaqo ku jooga Dalka Genmany  ayaa  waxa uu kulamo la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Dowladaasi waxaana ugu horeyn uu la kulmay  Xeer ilaaliyaha Dalka Germany  iyagoo kawada hadlay sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen iyadoo Xeer ilaaliyaha Germany uu balan qaaday in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ka caawin doonaan dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka.
sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya  ayaa la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta Genmany iyagoo  wada qaatay  kulan dheer waxaana ay isla lafa gureen sidii loo soo celin lahaa xiriirkii qota dheeraa ee ka dhaxeeyey labadaasi Ciidan waana ay isla meel dhigeen.
S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Booqday Xabsiga ugu Casrisan Dalkaasi ee ku yaala Magaaladda Frankfurt  isagoo soo kormeeray Qeybaha Xabsiga uu ka kooban yahay.
Taliyaha  ayaa Xabsiga HiTech Prison ee Frankfurt  waxaa kusoo dhaweeyey Taliyaha Xabsigaasi  waxaana kulan ay wada qaateen ay  uga wada  hadleen  sidii ay u  yeelan lahaayeen iskaashi dhex mara labada dhinac iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Dhismaha Xabsiyada Dalkeena oo iminka si dar dar leh isbadal horumarineed ay uga socdaan.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa  intii uu ku sugnaa Xabsiga frankfurt waxa uu la kulmay Dhalinyaro Soomaali ah oo Xabsigaasi ku xiran waxaana uu ka wareystay sida ay tahay Noloshooda isagoona ka waaniyey hadii Xoriyadooda dib u helaan in aysan ku laaban Waxyaabihii lagu xiray.
 “Waxan la kulanay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda  Germany, si fiican ayuuna noo  qaabilay, wuxuuna ballan qaaday xiriir iyo iskaashi wanaagsan in uu nala yeelan doonno sidoo kale  Waxaa  la kulanay Madaxa Ciidanka Asluubta ee Dowladda , Germany, waxaana ka wada  hadalnay soo celinta xiriirkii iskaashi ee Ciidanka Asluubta Soomaliya iyo Germany waxay noo muujiyeen soo dhoweyn iyo inay nagala shaqeyn doonaan Horumarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
14455721_595754370585196_2109541328_o 14455721_595754370585196_2109541328_o (1) 14393236_595755257251774_333511411_o
–Dhammaad–
Xafiiska Warfaafinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Previous Post

Wasiirka amniga iyo Taliyaha booliska oo shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiil ciidan “SAWIRRO”

Next Post

Daawo Sawirrada: Danjire Kaitin oo la shiray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada

Next Post
Daawo Sawirrada: Danjire  Kaitin oo la shiray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada

Daawo Sawirrada: Danjire Kaitin oo la shiray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In