Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta iyo Xeer ilaaliyaha Germany (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta iyo Xeer ilaaliyaha Germany (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo Booqasho shaqo ku jooga Dalka Genmany  ayaa  waxa uu kulamo la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Dowladaasi waxaana ugu horeyn uu la kulmay  Xeer ilaaliyaha Dalka Germany  iyagoo kawada hadlay sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen iyadoo Xeer ilaaliyaha Germany uu balan qaaday in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ka caawin doonaan dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka.
sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya  ayaa la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta Genmany iyagoo  wada qaatay  kulan dheer waxaana ay isla lafa gureen sidii loo soo celin lahaa xiriirkii qota dheeraa ee ka dhaxeeyey labadaasi Ciidan waana ay isla meel dhigeen.
S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Booqday Xabsiga ugu Casrisan Dalkaasi ee ku yaala Magaaladda Frankfurt  isagoo soo kormeeray Qeybaha Xabsiga uu ka kooban yahay.
Taliyaha  ayaa Xabsiga HiTech Prison ee Frankfurt  waxaa kusoo dhaweeyey Taliyaha Xabsigaasi  waxaana kulan ay wada qaateen ay  uga wada  hadleen  sidii ay u  yeelan lahaayeen iskaashi dhex mara labada dhinac iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Dhismaha Xabsiyada Dalkeena oo iminka si dar dar leh isbadal horumarineed ay uga socdaan.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa  intii uu ku sugnaa Xabsiga frankfurt waxa uu la kulmay Dhalinyaro Soomaali ah oo Xabsigaasi ku xiran waxaana uu ka wareystay sida ay tahay Noloshooda isagoona ka waaniyey hadii Xoriyadooda dib u helaan in aysan ku laaban Waxyaabihii lagu xiray.
 “Waxan la kulanay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda  Germany, si fiican ayuuna noo  qaabilay, wuxuuna ballan qaaday xiriir iyo iskaashi wanaagsan in uu nala yeelan doonno sidoo kale  Waxaa  la kulanay Madaxa Ciidanka Asluubta ee Dowladda , Germany, waxaana ka wada  hadalnay soo celinta xiriirkii iskaashi ee Ciidanka Asluubta Soomaliya iyo Germany waxay noo muujiyeen soo dhoweyn iyo inay nagala shaqeyn doonaan Horumarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
14455721_595754370585196_2109541328_o 14455721_595754370585196_2109541328_o (1) 14393236_595755257251774_333511411_o
–Dhammaad–
Xafiiska Warfaafinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed
Previous Post

Wasiirka amniga iyo Taliyaha booliska oo shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiil ciidan “SAWIRRO”

Next Post

Daawo Sawirrada: Danjire Kaitin oo la shiray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada

Next Post
Daawo Sawirrada: Danjire  Kaitin oo la shiray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada

Daawo Sawirrada: Danjire Kaitin oo la shiray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In