Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo maanta kormeeray degmooyin katirsan gobolka Sh/Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo maanta kormeeray degmooyin katirsan gobolka Sh/Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kormeerka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Xuseen Xasan Cismaan uu maanta ku tagey degmada Afgooye Ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu ka Bilowday xabsiga Dhexe Ee Xamar Isagoo Xarumo dhowr ah oo ay Asluubtu leedahay sii maray intii uu Jidka ku sii jiray.

Taliyaha ayaa waxaa uu ugu horeyn Kormeeray Taliska Dhexe Ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Degmada Dharkenley Ee Gobolka banaadir Halkaas oo uu indha indheen ku sameeyay Dib u Dayactir Xarunta ku socda Isagoo Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka Ee Halkaa ku sugan kadibna waxaa uu sii watay Socdaalkiisa oo Afgooye ku ekaa.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Xuseen Xasan Cismaan waxaa uu Kormeeray iyadana Xarunta Agoonta Wiilasha deegaanka lafoole Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Isagoo ku soo wareegay qeybo ka mid ah xarunta oo uu ka muuqday Bur Bur lixaad leh ka dibna Sacdaalkiisa ayuu sii watay.

Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabelaha Hoose Markii uu Gaaray ayuu Xarunta Agoonta Gabadhaha Degmadaas Isagoo warbixin ka dhageystay Saraakiisha Asluubta Ee Xarunta Maamula ka dib ayuu Saxaafada la hadlay Taliyuhu isagoo digniin u diray Dad uu sheegay in ay Xoog ku haystaan Hanti Asluubtu leedahay iyo kuwo dhisanaya hadda Beerihii Ciidanka Asluubta.

Intaa ka dib taliyuhu waxaa uu Kormeeray Xarunta Maamulka Degmada, Saldhiga Booliska Degmada, iyo Xabsiga Degmada Afgooye waxaana uu kulan la qaatay Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada amaanka  oo ay Arimo Dhowr ah ay ka wada hadlen Taliyaha ayaana Gudoomiyaha Afgooye ka codsaday in uu dib u dhis ku sameeyo Dhowr KM oo wadada Laamiga ah inta u dhaxeysa Afgooye iyo Deegaanka carbiska halkaas oo uu Bur bur lixaadleh ka jiro.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye Afgooye Xaaji Gaabow Cusmaan ayaa waxaa uu taliyaha u sheegay in uu soo dhamaaday qorshe Maamulku wadadaas ku dhisayo dhawaana uu bilaaban doono.

Previous Post

Maamulka Sh/Dhexe oo deeq gaarsiiyay haweeney 4 caruur ah ay ka geeriyoodeen

Next Post

Stoke City iyo Manchester United oo Bareejo Ku Kala Baxay ”SAWIRRO”

Next Post
Stoke City iyo Manchester United oo Bareejo Ku Kala Baxay ”SAWIRRO”

Stoke City iyo Manchester United oo Bareejo Ku Kala Baxay ”SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In