Monday, August 15, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Booqday Xaruumaha Ciidanka Boliiska Suudaan “Sawirro”

November 12, 2015
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Booqday Xaruumaha Ciidanka Boliiska Suudaan “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas  Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo Maalmahaanba Booqasho ku joogay Dalka Suudan ayaa si isdaba joog ah  ku tagayay  Qeybaha kale Duwan ee Xaruumaha Booliska Dalka Suudan ee ku yaala Caasimada Sudan ee Khartuum.

Related posts

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

August 14, 2022
Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

August 14, 2022

Taliyaha ayaa Booqday  Xarunta Xabsi ku yaala Magaalada Hudal islaaxiyaha  markii uu  Goobtaasi Gaaray ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay heesaha Qiirada leh ee intabadan lagu Gubaabiyo Ciidanka Booliska Dalka Suudan isagoo arkay habka ay u shaqeyso Xaruuntaasi mahad balaarana u jeediyay Madaxweenaha Dowlada Suudan Cumar Xasan al Bashiir iyo Madaxda Ciidanka Qeybihiisa kale Duwan

“Anigoo  ku hadlaya Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo kan Shacabka Soomaaliyeed  waxaan rabaa in aan idinkaga Mahadnaqo waxa aan maanta ku arkay Magaaladani iyadoo Dadaalkaasi aan rabo in aan uga Mahadnaqo Madaxweynaha Dalka Suudan Cumar Xasan al Bashiir Wasaaradda Arimaha Gudaha Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Dalka Suudan  iyo Hogaanka Magaaladani waxaa laga yaabaa in aan dul istaago meelaha qaar oo Magaladani tilmaamaha u ah  waana  mid aad u heer sareysa  mana fileen in aan arko xaruuntan  tilmaamaha noocan oo  kale in  aan ku arko Wadan dhaca Qaarada Africa.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka  Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  ayaa la Geeyay  Xarunta  Booliska ay ka Hagaan ama ka Maamulaan Kaamirooyinka ku xiran Wadooyinka Caasimda Dalka Suudan iydoo la tusiyay habka ay u shaqeyso Xaruntaasi waxayna  Madaxda Booliska halkaasi ku sugnaa ay hal hal ugu sharaxeen Xaruuntan  intaa kadib  sidoo kale waxaa  la geeyay Taliyaha  Qeybta Booliska ee Qaabilsan ka hortaga   Rabshadaha lana Tusiyay Gawaarida ay isticmaalan Xiliyada ay howlgalada ka sameenayaan goobaha Rabshadaha ay ka jiraan   Taliyaha ayaa ka Mahadceliyay sida ay u siiyeen Madaxda Booliska  Warbixin Dhameestiran oo ku adaan waxyaabaha ay qabtaan Booliska Rabshadaha ka hortaga

Markii uu soo Gabagabeeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Dalka Soomaaliya Booqashooyinkiisa ku aadanaaa Xaruumaha Booliska ee Dowlada suudan Qeybaheeda kale Duwan ayaa waxaa Hoyga guud ee ay leeyihiin Taliska Booliska Suudan  loogu Sameeyay Casho sharaf taa oo uu Agaasinkeeda lahaa Dhigiisa Suudan Haashim Cismaan al Xuseen iyadoo Cashadaasi sidoo kale goob joog ay ahaayeen Dhamaan Hogaanka sare ee Ciidanka Booliska Dalka Suudan.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26

Previous Post

Madaxweynaha: “Iskaashiga waddamada Jaamacadda Carabta iyo Koonfur America waxa uu muhiim u yahay horumarka iyo xasiloonida caalamka” “Sawirro”

Next Post

Kulan Looga Hadlay Doorka Ururada Bulshada Rayidka Ay Ka Qaadan Karaan Doorashooyinka 2016-ka “Sawirro”

Next Post
Kulan Looga Hadlay Doorka Ururada Bulshada Rayidka Ay Ka Qaadan Karaan Doorashooyinka 2016-ka “Sawirro”

Kulan Looga Hadlay Doorka Ururada Bulshada Rayidka Ay Ka Qaadan Karaan Doorashooyinka 2016-ka "Sawirro"

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Madaxweynaha Dalka Oo Magacaabay Ergeyga Gaarka Ah Ee U Qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika

August 14, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya qorshaha ka mid noqoashada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, ayaa u...

Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

Sawirro: Xaflad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay XFS

August 14, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo...

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Guddoomiyey Kulan Howleedka Waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Guddoomiyey Kulan Howleedka Waaxyaha Wasaaradda

August 14, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi limaan Cige, ayaa maanta guddoomiyey kullan is xog-wareysi ah,...

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shir Guddoonshay Kulanka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shir Guddoonshay Kulanka Golaha Wasiirada

August 14, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta guddoonshay shirka golaha Wasiiradda hirshabeelle.Shirka golaha, ayaa looga hadlay arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In