Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Booliiska iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Garowe “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka Booliiska iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Garowe “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta gaaray maalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Garoonka diyaaraha ee magaaladda Garowe ayaa wafdiga taliyaha booliiska waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, kuwaasoo uu ka mid ah taliyaha booliiska ee maamulkaasi.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Taliyaha booliiska ee maamulka Puntland oo garoonka diyaaraha kula hadlay saxaafadda ayaa hadallo soo dhaweyn ah halkaasi ka jeediyay,  isagoo tilmaamay in taliyaha iyo wafdigiisa ay soo kormeeri doonaan saldhigyada booliiska si ay ugu kuurgalaan xaaladda ciidanka iyo habka ay u shaqeeyaanba.

Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay Garowe ay qeyb ka tahay safarro uu ku kala bixinayo dhamaan maamul goboleedyada dalka ka jira, si uu u ogaado xaaladda ciidamada booliiska iyo duruufaha ay ku shaqeeyaanba.

“Waxaa sharaf weyn ii ah in muddo ka badan dhowr iyo soddon sano aan anigu qof ahaan ku soo laabto magaalada Garowe,  anoo hore uga soo shaqeeyay degmada Eyl, si fiican ayaana naloogu soo dhaweeyay aniga iyo wafdigeeyga uu ka mid yahay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska” ayuu yiri taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay saraakiil ka tirsan ciidanka boliska, iyo kuwa AMISOM booliis,  waxana la filayaa iney kormeer ku tagaan saldhigyada ciidanka booliiska,  gaar ahaan dugsiga tababarka booliiska ee Carmo.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11)

Previous Post

Muungaab:- “Bixiya Canshuuraha Guryaha Si Loo dhiso  Jidka Wadnaha” -Sawirro

Next Post

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga oo booqday deegaanka Lambar 50 “Sawirro”

Next Post
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga oo booqday deegaanka Lambar 50 “Sawirro”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga oo booqday deegaanka Lambar 50 "Sawirro"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In