Sarkiisha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa kulankoodii Khamislaha ah ku yeeshay Dugsiga tababbarka ciidanka Booliska Jeneraal Kahiye ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale.
Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Xidlhibaan Saciid Nuur Gariish ayaa ciidanka tababbarka ku jira ku wareejiyay Neef Geel ah iyo 20 Neef oo Ari ah, kaasi oo ay ugu talagaleen inay ku dhiiri geliyaan ciidanka tababbarka ku jira.
Taliyaha Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha Booliska Sareeyo Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ugu deeqay 20 Neef oo Ari ah, iyadoo Taliyaha Hogaanka Nabadgelyada Waddooyinka Sareeyo Guuto Cabdinaasir Macalin Dalab uu isna ciidanka ku wareejiyay 10 Neef oo Ari ah, isagoo balan qaaday in hogaankoodu uu qeyb ka mid ah Xafiisyada Akadeemiyada dib u dhis ku sameyn doono.
Taliyah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa la dardarmay ciidamo Leyli Saraakiil iyo ciidamado kale oo dhawaan tababbar uu aadi doona dalka Jabuuti, kuwaas oo tiradooda ay gareyso 70, isagoo ku booriyay inay muujiyan dulqaad inta uu socda tababbarka oo ay ka soo faa’iideystaan.
“Waxaad u socotaan tababbar oo dalka Jabuuti ah Hooyo iyo Abti meesha ma idinka horeyo marka waxaad sameysan dulqaad oo in aad la qabsataan cimilada, waa in cashirada lagu bixnayo aad ilgaar ah ku yeelataan mas’uuliyad ayaa idinsaran” ayuu yiri Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Ugdambeytii Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa ciidamada Booliska ku amaanay sida ay u sugaan Nabadgelyada magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in ka Xildhibaan ahaan ay ku dadaali doonaan sidii ciidamada loogu heli lahaa xaquudooda joogtada ah.
“Waxaa Ciidamada Booliska Soomaaliya ku amaanayaa sida ay u sugaan amaanka magaalada Muqdisho, weli ma maqlin Askari boolis ah ayaa wax dilay, waxaan ku dadaaleynaa sidii ciidamada ay ku helilahyeen xaquuqdooda” ayuu yiri Xildhibaan Cabdixakiin.