Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta shir guddoomiyay shir sugidda Amniga iyo Xasiloonida dadweynaha, gaar ahaan Maalmaha Ciidda iyo Asbuuca Xuriyadda.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo leh mas’uuliyadda koowaad ee sugidda amniga iyo Xasiloonida dadweynaha ayaa wada dadaalo lagu xaqiijinayo Nabadgelyada.
Kulanka ayaa sidoo kale looga arrinsaday sida bulshaddu uga qeyb qaadan karaan xasiloonida Caasimadda ee munaasabadaha isa saaran ee xorriyadda iyo Ciiddul Adxa.
“Dadweynaha ku dhaqan Caamismadda iyo Nawaaxigeeda, cidii aragta wax amniga lid ku ah fadlan la xariir numberka gaaban ee Gurmad 991” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirka.