Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Howlo Shaqo Ku Tegay Xarunta Guud Ee Interpol

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Howlo Shaqo Ku Tegay Xarunta Guud Ee Interpol
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo hoggaaminaya wafdi ka kooban Saraakiil Sarsare oo ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada Lyon ee Dalka Faransiiska kaga qayb galay shirka Booliska Adduunka (INTERPOL) ee dowladaha Bariga Dhexe, Bariga iyo Waqooyiga Afrika.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen madaxda Ciidanka Booliska ee in ka badan 20 dal, ayaa waxaa looga hadlayey wax-ka-qabashada arrimaha argagixisada, denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan halis ku ah guud ahaan amniga caalamka.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Sidoo kale, Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Booliska Adduunka ee INTERPOL mudane Jurgen Stock, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo INTERPOL ee dhinacyada ka hortagga danbiyada caalamiga ah iyo la dagaallanka argagixisada.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xubin buuxda ka ah Booliska Adduunka ee INTERPOL oo Xafiiskoodii Soomaaliya dib uga hawl-galiyey magaalada Muqdisho Bishii 7-aad ee sannadkii 2021-kii.

Previous Post

Kulan Lagu Soo Dhaweynayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Lagu Qabtay Garasbaaleey

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Meertada 77-aad Golaha Loo Dhanyahay Ee Qaramada Midoobey

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Meertada 77-aad Golaha Loo Dhanyahay Ee Qaramada Midoobey

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Furitaanka Meertada 77-aad Golaha Loo Dhanyahay Ee Qaramada Midoobey

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In