Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka booliska oo la kulmay saraakiil ka socotay Talyaaniga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka booliska oo la kulmay saraakiil ka socotay Talyaaniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta kulliyadda Jeneraal Kaahiye kula kulmay wafdi saraakiil ka socotay Ciidamada Karabinyeeriga ee Dalka Talyaaniga, kuwaasoo fariin ka siday Taliyaha Guud ee ciidamadaas.

Saraakiisha uu taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud la kulmay ayaa kala ahaa Col. Carabinieri Mauro Isidori, Comandante Miadit 7, . Lt.  Colonnello Carabinieri Giorgio Romano, La Taliye sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska, kana mid ah wafdiga Midowga Yurub ee Soomaaliya,  Col.  Carlo Emiliani, u qaybsanaha Arrimaha Ciidamada ee Soomaaliya.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Dhanka ciidanka booliska shirkaasi waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Akaadeemiyada iyo Saraakiil kale oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Col. Muro waxa ay is dhaafsadeen hadiyado ka kala turjumaya astaamaha labada ciidan.

Dawladda Talyaaniga ayaa beryahaan dambe tababbaro kala duwan u fidineysey Booliiska Soomaaliyeed, waxaana muuqata inay ciidanka Booliska ay aad iyo aad uga faa’iideysan doonaan tababarradaan is daba joogga ah ee ay ciidankan siiyaan ciidanka booliska Soomaaliya.

Kulanka Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed uu la qaadanayo saraakishan ayaa ah kuwa lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac iyo sidii ay u joogteyn lahaayeen sare u qaadidda iyo tababarsiinta ciidanka booliska Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Baaq U Diray Beela  Ku Dagaalamay Deegaanno Hoosyimaada Cadale

Next Post

Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha oo la damiyay

Next Post
Faahfaahinta dabkii suuqa Barakaaraha “SAWIRRO”

Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha oo la damiyay

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In