Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Ururka Heeganka Barriga Afrika Sarreeye Guuto Paul Kahuria Njema oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Ururka.
Taliye Asad iyo General Paul Kahuria Njema ayaa ka wada hadlay Xoojinta Amniga Gobolka, ka hortagga qataraha argagixisadu ay ku heyso wadamada Afrika, ilaalinta xasilloonida gobolka iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta.