Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo wafti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka degay Magaalada Kismaayo ee xarunta maamul gobaleedyadka Jubbaland.
Ujeedka safarka ayaa daaran kala ah:-
1- Golaha Taliyeyaasha Booliska Dalka oo halkaas ku yeelanaya shir looga arrinsanayo hanaanka cusub ee Boliiska dalka labadiis heer (Boliiska Federaalka ah iyo Boliiska Dowlad Goboleedyada).
2- Mideynta mashruuca taakuleynta iyo jaangoynta baahiyaha Booliiska dalka.
3- Arrimaha amniga dalka sida maareynta qaraxyada, isisoo dhiibayaasha ka yimaada argagixisada iyo arrimaha socdaalka.
Inta uu shirku socdo Taliyaha iyo wafdigiisu waxay booqa doonaan, una kuur-geli doonaan hanaanka shaqo ee Booliiska dowlad goboleedka Jubbaland.