Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 month ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, ayaa gaaray magaalada Baydhabo, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale), iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka XDS.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Intii uu ku sugnaa garoonka, Taliyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Soo dhaweynta kaddib, Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Taliska Qeybta 60-aad iyo ciidamada XDS ee ka howlgala magaalada Baydhabo, iyagoo kala hadlay xaaladda ciidamada iyo dardargelinta howlaha amni.

Booqashada Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ciidamada, dhiirrigelinta askarta iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Previous Post

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In