Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh Xuseen, Shan iyo tobankii bishii Shanaad ee Sanadkaan 2026, Falkaas ayaana ka dhacay Degmadda Luuq ee Gobolka Gedo.

Kabtan Dhashiike & Marxuumka oo Xiriir & Wax is dhaafsi uusan ka dhaxeyn, kadib khilaaf horey uga dhaxeeyey, ayaa isku arkay guri ku yaalla dhanka Beeraha Luuq, Waxaana Eedeysanaha oo Sigaar heysta uu bilaabay inuu raadiyo Kabriid ama Jante, si uu u shito.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Waxa uu weydiistay Koofi oo labadaba Saaxib lahaa, Marxuumka oo lahaa Jantaha, ayaa Jeebka ku ritay, si diidmo ah, Eedeysanaha oo Intaas caro ka qaaday ayaana keentay inuu labo Baalooto oo AK 47 ah Ku dhufto Alle ha u naxariistee C/casiis Sheekh Xuseen, isla Goobtaasi ayuuna ku geeriyooday Marxuumka.

Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka-sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddexdii Bishaan September.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Cabdicasiis Sheekh Xuseen.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In