Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 month ago
in Wararka
0
Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh Xuseen, Shan iyo tobankii bishii Shanaad ee Sanadkaan 2026, Falkaas ayaana ka dhacay Degmadda Luuq ee Gobolka Gedo.

Kabtan Dhashiike & Marxuumka oo Xiriir & Wax is dhaafsi uusan ka dhaxeyn, kadib khilaaf horey uga dhaxeeyey, ayaa isku arkay guri ku yaalla dhanka Beeraha Luuq, Waxaana Eedeysanaha oo Sigaar heysta uu bilaabay inuu raadiyo Kabriid ama Jante, si uu u shito.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Waxa uu weydiistay Koofi oo labadaba Saaxib lahaa, Marxuumka oo lahaa Jantaha, ayaa Jeebka ku ritay, si diidmo ah, Eedeysanaha oo Intaas caro ka qaaday ayaana keentay inuu labo Baalooto oo AK 47 ah Ku dhufto Alle ha u naxariistee C/casiis Sheekh Xuseen, isla Goobtaasi ayuuna ku geeriyooday Marxuumka.

Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka-sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddexdii Bishaan September.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Cabdicasiis Sheekh Xuseen.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In