Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka X.D.S oo Qaahira kula kulmay dhigiisa Masar.-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka X.D.S oo Qaahira kula kulmay dhigiisa Masar.-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, s/gaas Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa kulan kula qaatay magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas, taliyaha guud ee ciidanka ย s/guud Mohamud Hijaali iyo saraaakiil sare oo ka tirsan ciidanka dalkaas, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal iyo taageerada dhanka ciidamadda ee dawladda Masar ay siiso Soomaaliya sidii loo kordhin lahaa.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee dalkaas, wuxuna ย tilmaamay ย in booqashadani ay sii xoojin doonto cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada wadan, isagoo xusay Masar taariikh fog oo iskaashi ciidan ah in uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

โ€œWaxaan u mahadceliyaa dawladda iyo shacabka Masar sida diiran ee aniga iyo wafdigii ila socday ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen, safarkan waa midkii ugu horeeyey ee intii aan xalka hayay dibedda ku imaado, waxana aan ku imid Masar, taas oo cadeynaysa sida ay nooga goโ€™an tahay in xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinaca ciidamada kor loo qaadoโ€ ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga dalka s/gaas Maxamed Aaden Axmed oo intaas raaciyey โ€œMasar waa halkii aan ugu baxay kuliyadda dagaalka 1969-kii dufcadii 55-aad, waana saaxiibka koowaad ee Soomaaliya .

Taliyaha guud ee ciidanka ย xoogga dalka Masar, s/guud Mohamud Hijaali, ayaa sheegay in Masar si buuxda u garb taagan tahay dib-u- dhiska ciidanka xoogga, ayna ku bixin doonan maskax iyo maal.

DSC02231 DSC02244 DSC02270 DSC02276

Previous Post

Imaaraadka oo xayiraadda ka qaadaya xoolaha Soomaaliya

Next Post

Deegaanka Wargalo oo maamul cusub loo doortay

Next Post
Deegaanka Wargalo oo maamul cusub loo doortay

Deegaanka Wargalo oo maamul cusub loo doortay

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In