Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaanka Wargalo oo maamul cusub loo doortay

caqiil by caqiil
February 25, 2016
in Wararka
0
Deegaanka Wargalo oo maamul cusub loo doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dooranayay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka deegaanka Wargalo ee gobalka Mudug.

Munaasabada doorashada gudooomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka deegaanka Wargalo ee gobalka Mudug oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka socatay wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug iyo maamulka gobalka Mudug iyo bulshada ku nool deegaanka Wargalo ayaa lagu qabtay deegaankaasi

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Bulshadii deegaanka Wargalo ayaana halkaasi waxa ay cod gacan taaga ku doorteen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi, iyagoona u doortay gudoomiyaha deegaankaasi Nuur faarax cumar gudoomiye ku xigeena u doortay Maxamed Axmed Jimcaale.

Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye, ayaa doorashada kadib ku dhawaaqay natiijada doorashada gudoomiyaha deegaanka Wargalo, Nuur Faarax Cumar oo isagu ahaa qofka kaliya ee isku soo sharaxay qabashada xilka.

Gudoomiyaha cusub ee deegaanka wargalo Nuur Faarax cumar oo isna madasha doorashada khudbad ka jeediyay ayaa balan qaaday inuu si cadaalad ah ugu adeegi doono bulshada reer Wargalo

Ugu dambeeyna Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa ku booriyay shacabka deegaanka Wargalo in ay la shaqeeyaan maamulka ay dooreteen

Dhismaha maamulka deegaanka Wargalo ayaa qeyb ka ah dadaalada wasaarada arimaha gudaha Galmudug ay ugu jirto dhameeystirka dhismaha maamulada degmooyinka iyo deegaanada Galmudug.

Previous Post

Taliyaha ciidanka X.D.S oo Qaahira kula kulmay dhigiisa Masar.-Sawirro

Next Post

Golaha Wasiirada oo ansixiyey siyaasadda guddiga ammaanka iyo difaaca xeebaha dalka

Next Post
Golaha wasiirada oo ka shiray xoojinta amniga dalka iyo arrimo kale (Sawirro)

Golaha Wasiirada oo ansixiyey siyaasadda guddiga ammaanka iyo difaaca xeebaha dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In