Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo guddoomiyaha Degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane ayaa kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka ku ammaanay sida ay cadowga uga dulqaadeen shacabka soomaaliyeed oo mudda 15-sano ah ay dhibaato ku hayeen khawaarijtu.
Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage iyo guddoomiyaha ayaa u Gudbay Furihama Dagaalka waxaana ay gaareen Degaanka Goobo halkaas oo ah Taliska Guud ee ciidanka Macawiis-leeyda gobolka Hiiraan.
Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan gobolada dalka kuwaa oo khawaarijta looga dulqaadayo shacabka soomaaliyeed.