Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jeneraal Odawaa oo shaaciyey tirada Khawaarij badan oo lagu dilay…

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Jeneraal Odawaa oo shaaciyey tirada Khawaarij badan oo lagu dilay…
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

150-ka tirsan Maleeshiyada khawaariijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay deegaan qiyaastii 30-KM dhanka Bari kaga beegan degmada Aadan Yabaal iyo Masjidka Cali Guduud ee gobolka Shabeelaha dhexe, howlgalo ciidan oo socday muddo todobaad ah sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Al-Shabaab ay jab weyn ku gaarsiiyeen howlgalka, isagoo sheegay in argagixisadu ay u maleeyeen in ay ku baxsan doonaan dhulka howdka ah ee gobolka balse looga daba tegay.

Related posts

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

January 17, 2026
Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

January 17, 2026

“Waxaan ku dilnay in ka badan 150 ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday howlgalka toddobaadkan, waxaan ku dilnay meel 30 km bari ka xigta magaalada Aadan Yabaal 50 ka mid ah argagixisada, in ka badan 100 kalena waxaan ku dilnay agagaarka Masjidka Cali Guduud ee isla gobolka, ciidamada XDS oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa xoojiyay la dagaalanka argagixisada.” ayuu yiri Taliyaha Xoogga.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawisley ayaa afartii bilood ee la soo dhaafay Al-Shabaab ka saaray deegaano badan oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Previous Post

Cabdi Xasan oo ka tirsanaa khawaarijta oo isku dhiibay ciidamada xoogga ee ku sugan Hiiraan

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka oo bogaadiyay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Next Post
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka oo bogaadiyay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka oo bogaadiyay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, Mudane Prof. Salim Aliyoow Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la...

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SOUTH SUDAN):-Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u muujisay taageero buuxda oo ay u hayso mowqifyada Midowga...

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laasacaanood ku qaabilay, wafdi...

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa caawa ka dhacay banaanbax weyn oo lagu taageeray midnimada iyo wadajirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In