Thursday, November 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo xilka la wareegay

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo xilka la wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin, ayaa maanta xilka si rasmi ah kala wareegay Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Munaasabad uu ka qeyb galay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayuu xilka kula wareegay taliyaha cusub, taas oo ka dhacday xarunta Dugsiga Tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025

Taliyihii hore ee Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed General Xijaar oo ka hadlay munaasanadda xil wareejinta, ayaa sheegay in horumar la taaban karo uu ku talaabsaday Booliska, taliskana uu ciidamo Boolis ah geeyay deegaannada laga xureeyay Khawaarijta.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadihii ugu dambeeyay wuxuu sameeyay horumar la taaban karo, waxaana diyaarsan qorshe iyo Istiraatiijiga cusub oo loogu tagalay Booliska si loo sii hormariyo, taliskuna ciidamo Boliis ah ayuu geeyay magaalooyinka Khawaarijta laga xurreeyay ee gobolka Shabeellada dhexe,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Sidoo kale, Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin oo xilka la wareegay, ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’adda Booliska, si awood badan uu u yeesho Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirradda Xukuumadda Federaalka, ayaa dhammaadka bishii hore ee janaayo ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin.



Previous Post

Taliyihii hore Ciidanka Xoogga Gen indha qarshe oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan heya’addaha amniga.

Next Post

Degmooyinka la xorreeyay oo lagu wado in dhawaan ay yeshaan gole degaan 

Next Post
Degmooyinka la xorreeyay oo lagu wado in dhawaan ay yeshaan gole degaan 

Degmooyinka la xorreeyay oo lagu wado in dhawaan ay yeshaan gole degaan 

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In