Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha hoggaanka baarista dembiyada oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Urdun

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 20, 2025
in Wararka
0
Taliyaha hoggaanka baarista dembiyada oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Urdun
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada G/Sare. Muxudiin Axmed Cusmaan, ayaa Magalaada Amaan ee dalka Urdun uga qeyb galey shir ay soo qaban qaabisey Wasaarada Amniga Dalka Urdun/Jordan, IOM iyo Jaamacada Daraasadka Amniga ee Naïf.

Shirkaaas oo soconaayey 3 casho 15 – 18 July 2025, ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiinta dhigiisa ah ee Dowlaha Jaamacada Carabta, waxaana diirada lagu saarey la dagaalanka Socdaalka sharcidarada ah oo Tahriibka qeyb ka yahay, kaas oo dhibaato badan ku haayo Caalamka gaar ahaan dalaka Geeska Afrkica, ayadoo mudooyinkii ugu dambeeyey Soomaaliya ay kordhayeen kiisaska la xariirka Dembiyada lagu galo Tahriibinta.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

September 10, 2025

Taliyaha ayaa ka jeediyey Shirka soojeedin ku saabsan sida Ciidanka Boliiska uu ula tacaalo dambiyadaas gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo sidii la iskala kaashan lahaa la dagaalanka dembiyadaas heer Gobol iyo mid Caalami.

Taliyaha, ayaa sidoo kale ka qeyb galey Pannel looga hadlaayey qataraha Tahriibka iyo Doorka kaga aadan Hay’ada Amniga oo ugu horeeyo Boliiska Gaar ahaan ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada ( CID) kaas oo si faahfaahsan ugu falanqeeyey Marxalada Tahriibinta ee Dalka ka jira iyo Waxyabaaha keena.

Wasaaradaha iyo Hay’adaha ka qeyb galey shirka ayaa si wada jir ah hoosta uga xariiqey in ay kordhin doonaa gacansiinta dhanka Tababarada, Qalalbka iyo la talinta Hay’adaha Amniga ay ugu horeyso CID-da iyo Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha si ay awood buuxda uga yeelan lahaayeen la- dagaalanka Tahriibka iyo Guud ahaan dembiyada Abaabulan.

Ka qeybgalka shirkaan, ayaa muhiimad gaar ah u leh Hay’adaha Amaanka gaar ahaan Boliiska Soomaaliyeed oo leh masuuliyada koowaad ee la dagaalanka, Yareynta iyo Ciribtirka Dembiyada nuucaan ah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

Next Post

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐢𝐫𝐨-𝐝𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐖𝐚𝐝𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲

Next Post
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐢𝐫𝐨-𝐝𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐖𝐚𝐝𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐢𝐫𝐨-𝐝𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐖𝐚𝐝𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya (GERD) oo ay goob...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

September 10, 2025
0

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Guba ee dalka Itoobiya uga qaybgalay shir shan-geesood ah oo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo cambaareysay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qatar

September 9, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka geysteen magaalada Doha ee dalka Qatar, oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo magacaabay Agaasimaha Santuuqa Qaran ee Maareeynta Khataraha Masiibooyinka

September 9, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa u Magacabay Cabdullaahi Maxamuud Diiriye, Agaasimaha Santuuqa Qaran ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In