Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha hoggaanka baarista dembiyada oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Urdun

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
Taliyaha hoggaanka baarista dembiyada oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Urdun
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada G/Sare. Muxudiin Axmed Cusmaan, ayaa Magalaada Amaan ee dalka Urdun uga qeyb galey shir ay soo qaban qaabisey Wasaarada Amniga Dalka Urdun/Jordan, IOM iyo Jaamacada Daraasadka Amniga ee Naïf.

Shirkaaas oo soconaayey 3 casho 15 – 18 July 2025, ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiinta dhigiisa ah ee Dowlaha Jaamacada Carabta, waxaana diirada lagu saarey la dagaalanka Socdaalka sharcidarada ah oo Tahriibka qeyb ka yahay, kaas oo dhibaato badan ku haayo Caalamka gaar ahaan dalaka Geeska Afrkica, ayadoo mudooyinkii ugu dambeeyey Soomaaliya ay kordhayeen kiisaska la xariirka Dembiyada lagu galo Tahriibinta.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Taliyaha ayaa ka jeediyey Shirka soojeedin ku saabsan sida Ciidanka Boliiska uu ula tacaalo dambiyadaas gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo sidii la iskala kaashan lahaa la dagaalanka dembiyadaas heer Gobol iyo mid Caalami.

Taliyaha, ayaa sidoo kale ka qeyb galey Pannel looga hadlaayey qataraha Tahriibka iyo Doorka kaga aadan Hay’ada Amniga oo ugu horeeyo Boliiska Gaar ahaan ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada ( CID) kaas oo si faahfaahsan ugu falanqeeyey Marxalada Tahriibinta ee Dalka ka jira iyo Waxyabaaha keena.

Wasaaradaha iyo Hay’adaha ka qeyb galey shirka ayaa si wada jir ah hoosta uga xariiqey in ay kordhin doonaa gacansiinta dhanka Tababarada, Qalalbka iyo la talinta Hay’adaha Amniga ay ugu horeyso CID-da iyo Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha si ay awood buuxda uga yeelan lahaayeen la- dagaalanka Tahriibka iyo Guud ahaan dembiyada Abaabulan.

Ka qeybgalka shirkaan, ayaa muhiimad gaar ah u leh Hay’adaha Amaanka gaar ahaan Boliiska Soomaaliyeed oo leh masuuliyada koowaad ee la dagaalanka, Yareynta iyo Ciribtirka Dembiyada nuucaan ah.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

Next Post

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐢𝐫𝐨-𝐝𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐖𝐚𝐝𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲

Next Post
𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐢𝐫𝐨-𝐝𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐖𝐚𝐝𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐢𝐫𝐨-𝐝𝐡𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐖𝐚𝐝𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In