Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye Biixi” Waxaan dagaal ku dilnay 117 khawaarij ah”.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Taliye Biixi” Waxaan dagaal ku dilnay 117 khawaarij ah”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi, ayaa faah faaahino dheeraad ah ka bixiyay howlgal ka dhanka kooxda Khawaarijta oo ay ciidamada qaranka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dagaal iyo duqeyn xooggan ka dib ay ciidamadu huwanta ah la wareegeen deegaanka Doonyaale oo u dhaxeeyo magaalooyinka Bacaadweyne iyo Camaara oo ka wada tirsan gobolka Mudug.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026

“ Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u sheego, eeriya lagu magacaabo Doonleey oo dhaxeyso Shabeellow iyo Camaara, halkaas oo cadowga u ahayd Talis deegaan iyo difaac weyna ay ku lahaayeen dagaalkaas ka dhacay. Dagaalladii Khawaarijta lagula jiray midkii ugu waqtiga dheeraa oo socday 8-saac ayaa ka dhacay deegaanka, runtii waxaa ka dhacay duqeymo aad u fara badan,nimankii Khawaarijta ahaa gododka waa laga saaray,” ayuu yiri Taliye Biixi.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in Khawaarijta dagaalladaas oo aad u xoogganaa looga dilay maleeshiyaad fara badan oo gaaraya 117 khawaarij ah, waxayna ciidamada hadda ku daba jiraan firxadkooda, Khawaarijta ayaa ku go’doonsan ilaa iyo afar fariisin oo ay ku dhuumaleysanayeen.

Howlgallada ka socda guud ahaan gobolada dalka ee lagu bacsanayo haraadiga Khawaarijta ayaa ilaa iyo hada guulo isdaba joog ah ay ka soo hoynayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaalka Laascaanood

Next Post

Ciidamada qaranka oo ka hortagay weerar Khawaarijtu ay ku qaadeen degmada Afmadow, Sabiib iyo Caanoole

Next Post
Ciidamada qaranka oo ka hortagay weerar Khawaarijtu ay ku qaadeen degmada Afmadow, Sabiib iyo Caanoole

Ciidamada qaranka oo ka hortagay weerar Khawaarijtu ay ku qaadeen degmada Afmadow, Sabiib iyo Caanoole

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

Iskaashiga Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya

Somalia Thanks China for Continued Support and Strong Bilateral Cooperation

January 21, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, led by H.E. Abdisalam Ali ,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In