Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliye Cusub ee Ciidanka NISA Gobolka Shabeellaha dhexe oo xilka la wareegay.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Taliye Cusub ee Ciidanka NISA Gobolka Shabeellaha dhexe oo xilka la wareegay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Sirdoonka iyo nabadsugida Qaranka ee gobolka Shabeellaha dhexe Dhame Cabdulqaadir Cabdullaahi Xaayoow ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka taliye nimo kadib munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’adda nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo saraakiisha ciidamada kale ee gobolka ka howlgala .

Dhame Xaayoow ayaa xilkan si rasmi ah waxaa loogu soo magacaabay kadib markii Magaalada Jowhar lagu dilay bishii la soo dhaafay ee June 21 Taliyihii ka horeeyay Alaha u naxariistee Cabdiwali Ibraahim Junbur .

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Taliye cusub ee ciidanka NISA ee Gobolka Shabeeaha dhexe ayaa xilal ka duwan ka soo qabtay gobolka Banaadir.

Dadka yaqaana Taliye Xaayoow waxa ay sheegeen inuu yahay sargaal Howlkar ah kana mid ah saraakiisha Hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka ee Maleeshiyada Alshabaab dagaalka xooggan ee amni xaqiijinta ah kula galay gobolka Banaadir kana islaaxiyay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadihii ay ka fulin jireen weerarada gaadmada ah, waxaana loo arkaa inuu yahay shaqsigii ugu haboonaa ee loo magacaabi lahaa xilkan Taliyaha NISA ee Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha Cusub ee NISA ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa durba waxa isaga iyo ciidankiisu ay bilaabeen Howlgalo amni xaqiijin ah .

Taliye Cabdulqaadir Xaayoow ayaa Bulshada waxaa uu ka codsaday inay kala shaqeeyaan hay;adaha amaanka sidii loo xaqiijin lahaa Nabada loogana hortagi lahaa kooxaha isku dayaya carqaladeynta amaanka.

‘’ waxaan la wareegay xilka taliyaha NISA ee Gobolka Sh/dhexe muhiimada waa inaan ka wada shaqeynaa amniga, amniga sidiisa waxa leh bulshada waxaan shacabka gobolka Shabeelaha dhexe ugu baaqaya inay kala shaqeeyaan Nabad iyo xasiloonida gobolka ciidanka amniga qaranka sidii hore ay ula shaqeeyeen si ka wacan, waxaan u taagan nahay inaan bulshadda amaankeeda aan ilaalino insha allah waana ku guuleysanaynaa’’

Taliye xaayoow ayaa tilmaamay inuu sidookale si wacan ula shaqeyn doono maamulka iyo Ciidamada kale ee qalabka sida ee gobolka Shabeelaha dhexe,si wadajir ahna looga shaqeyn doono Nabada iyo ka hortagta Caddowga.

Previous Post

Cayaartooyada Benaadir iyo Puntland oo bar bar dhac wada galay “SAWIRRO”

Next Post

Donald Trump oo si rasmi ah loogu doortay in uu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga

Next Post
Donald Trump oo si rasmi ah loogu doortay in uu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga

Donald Trump oo si rasmi ah loogu doortay in uu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In